Xafiiska Siyaasadda & Gobolada Ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxay Warbaahinta Shabaabku sheegeen inuu is bedelkaasi sameeyay.
Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa baahisay in Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan uu xilkaasi kula wareegay xaflad ka dhacday Deegaanka Buq Aqable Ee Gobolkaasi Hiiraan.
Is bedelka uu Shabaabku ku sameeyay ninkii ugu magacawnaa Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli bilowgii bishii hore ee March ay soo baxeen warar sheegaaya in Sheekh Maxamed Mire lagu dilay duqayntii uu Mareykanku ka fuliyay Deegaanka Raaso, oo qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga toosan Degmada Buula Barde.
Gudoomiyaha Degmada Buula Barde, C/casiis C/laahi Cabdi (Duurow), ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Mire iyo Saraakiil kale oo ka tirsanaa Saraakiisha Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Hiiraan lagu dilay weerarkaasi, walow ay Shabaabku beeniyeen



0 


Ururka Al Shabaab oo xilka ka qaaday Gudoomiyihi Gobolka Hiiraan
Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay ninkii ugu magacawnaa Gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Mire.