Riek Machar oo la filayo inuu Maanta dib ugu laabto Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Juba

0
Monday April 18, 2016 - 11:53:37 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riek Machar oo la filayo inuu Maanta dib ugu laabto Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Juba

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa maanta la filayaa inuu ka dago magaalada Juba ee xarunta South Sudan, halkaasoo uu ka maqnaa labadii sano ee lasoo dhaafay, kaddib markii dagaal sokeeye uu dalkaas ka dillaacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa maanta la filayaa inuu ka dago magaalada Juba ee xarunta South Sudan, halkaasoo uu ka maqnaa labadii sano ee lasoo dhaafay, kaddib markii dagaal sokeeye uu dalkaas ka dillaacay.
Riek Machar ayaa la filayaa in loo dhaariyo madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo uu dhawaan u magacaabay mar kale madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, xilkaasoo uu sheegay Machar inuu qabanayo.

Sidoo kale, dib ugu laabasha Riek Machar ee magaalada Juba ayaa waxay suuro-gal ka dhigeysaa sameynta dowlad midnimo Qaran, taasoo xubnaha mucaaradka iyo kuwa dowladdu ay awoodda ku wadaagayaan.

Xukuumadda loo dhisayo dalka caalamka ugu da'da yar ee South Sudan ayaa waxay ka koobnaan doontaa Madaxweyne Salva Kiir iyo xisbigiisa SPLM iyo Riek Machar iyo xisbigiisa mucaaradka ee SPLM-IO.

Dhanka kale, Riek Machar ayaa la midoobi doona kooxaha mucaaradka ah ee yar-yar iyo xoogaga kale ee siyaasadeed, si dowladda ay u noqto mid ka kooban mucaarad iyo xukuumadda hadda jirta.

Colaadii sokeeye ee ka qarxay Koonfurta Suudaan dhamaadkii 2013-kii, ayaa waxaa ku dhintay Tobannaan kun oo qof, iyadoo ay guryahood ka barakaceen ugu yaraan laba milyan oo qof.

Ugu dambeyntii, Dib u noqoshada Riek Machar ee Magaalada Juba ayaa waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo toddobaadkii hore uu magaalada Juba ku laabtay ku xigeekiisa, inkastoo uu cabasho ka keenay xukuumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip