Ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Somali ay ku jiraan oo ku geeriyooday Badda

0
Monday April 18, 2016 - 11:45:35 in Wararka by
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Somali ay ku jiraan oo ku geeriyooday Badda

    Doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa waxa ay ku degtay badda, xilli ay ku guda jireen Safarkooda ku aadan Tahriibka oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa waxa ay ku degtay badda, xilli ay ku guda jireen Safarkooda ku aadan Tahriibka oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Yurub.

Doontaan ayaa la sheegayaa Qiyaastii inay saaran yihiin Qiyaastii dad kor u dhaafaya 400 oo ruux, kuwaasi oo la aaminsan yahay in intooda badan ay dhinteen, halka ay jiraan dad ka badbaaday.

Safaaradda Somaliya ee dalka Masar waxa ay xaqiijisay in doontaan ay degtay, laakiin Safaarada waxa ay ka gaabsatay inay shaaciso tirada saxda ah ee Doontaasi saarneyd, maadaama ilaa hada aanan la hayn Numbar sax ah.

Dhalinyaro Somali ah oo ka badbaaday Doonta degtay ayaa la sheegay inay gaareen Jazeerado ka mid ah dalka Greece, kadib markii dhalinyaradaasi oo qaarkood dabaal yaqaanay ay dabaasheen, ugu dambeyna ay heleen gurmad markab oo gaarsiiyay Jazeerad Greece ku taal.

Ilaa hada si dhab ah looma haayo tirada saxda ah ee dhimatay, laakiin dadkii ugu badnaa ee doontaasi saarnaa ayaa halkaasi ku geeriyooday sida Warbaahinta caalamka ay tabinayaan.

Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda. Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.

"Waan ogeyn waana uga digay laakiin qof illaa Somaliya soo lugeynaayay oo soo maray Itoobiya, Sudan oo taagan badda lama celin karo”, ayey tiri Faadumo.

Dad badan oo Somali ah ayaa Baraha Bulshada kuwada xiriirto ku soo qoraayay Hadalo Tacsi ah oo ay ku sheegayaan in qaar ka tirsan Qaraabadooda ay ku geeriyoodeen Doonta degtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip