
C/Xakiim Fiqi: "Waxaa jirta mushkilad heysata ciidamada laga soo bilaabo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii"
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda ciidamada qalabka sida oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo tiradooda rasmiga ah, hase yeeshee wuxuu qiray warbixin guddiga dabagalka hubka Soomaaliya uu ka soo saaray musuqmaasuq ka jira ciidamada dhexdooda.
C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka mid ah khubarada arrimaha gaashaandhigga ayaa ammaanay dagaalka dhinaca cirka ah iyo diyaaradaha Drones-ka ah ee lagu qaadayo ururka Al-Shabaab, isagoona sheegay in howlgaladaasi ay wiiqayaan awooda Al-Shabaab oo uu sheegay inay keeneyso kala shaki dhexdooda soo gala.
"Waxaa jirta mushkilad heysata ciidamada laga bilaabo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-ka” ayuu yiri C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo dhinaca kale sheegay in musuqmaasuq xoogan uu ka dhex jiro tirada ciidamada oo uu sheegay inay jiraan magacyo kooxo ay wataan isla markaana ay ku qaataan lacago fara badan.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa sheegay in sida kaliya ee ciidamada Qaranka lagu dhisi karo isla markaana looga adkaan karo ay tahay in la hagaajiyo tababarka iyo in hub la siiyo ciidamada si buu yiri ay uga guuleystaan cadowga.
xigasho:-somaliweyn.com


0 



C/Xakiim Fiqi: "Waxaa jirta mushkilad heysata ciidamada laga soo bilaabo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii"
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda ciidamada qalabka sida oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo tiradooda rasmiga ah, hase yeeshee wuxuu qiray warbixin guddiga dabagalka hubka Soomaali