Ninkan, ayaa waxaa lala soo qabtay bistoolad, rasaas, agabyo laga sameeyo walxaha qarxa iyo Computer-ka nooca gacanta lagu qaato ee Laptop-ka, kaasoo la tuhunsan yahay in loo adeegsan rabay qarax.
Xoogaga Nabad Suggida, ayaa waxay ninkaasi ku soo kaxeysteen gaari nooca dagaalka ah, iyagoona ula dhaqaaqay xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Telefishinka Qaranka Somaliyeed (SNTV) oo lagu soo bandhigay qaabka ay laamaha ammaanku u soo qabteen ninkaasi, ayaan macluumaad badan laga bixin waxa ay darajadiisu tahay, marka laga soo taggo inuu yahay horjooge Shabaab ah.
Dhanka kale hawlgalo amni xaqiijin ah oo hay’adaha amnigu ka sameeyeen qaybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid & Heliwaa, ayaa waxay ku soo qab qabteen boqolaal dhalinyaro ah, inkastoo ay intoodu badan dib u sii daayeen, marka laga soo taggo tiro yar oo la tuhunsan yahay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa waxaa uu dadka reer Muqdisho kaga digay inay guryahoodu ku qariyeen xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, cidii lagu qabtaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Ciidanka Hay'adda Nabad Suggida Somaliya oo helay macluumaad la xiriira ninkaasi, ayaa waxay ka soo qabteen guri ku yaala Degmada Heliwaa Ee Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho, saacadihii ugu dambeeyay ee Axadii.