Wuxuu sheegay ciidamada Uganda in laga maarmo oo bedelkooda la heli karo ciidamo Somali ah oo buuxa Booskooda, maadaama ciidamada Uganda ay u bareereen inay laayaan shacabka Somaliyed.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, wuxuu tilmaamay wixii ka dambeeyay markii ciidamada Uganda lagu weeraray deegaanka Janaale inay bilaabeen beegsiga ay ku hayaan shacabka Somaliyed.
Jeesow ayaa daboolka ka rogay in aysan Ciidanka Uganda ka faala qaadi karin amniga shacabka balse ay dhibaateynayaan kaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay Ciidamada Amisom iyaga oo dhibaato u geystay dad rayid ah, hadana inay Qoraal Saxaafadeed ku soo koobaan inay aad uga xun yihiin falkaasi dhacay, inaysan aheyn wax suuragal ah.
Amisom ayaa inta badan falalka tacadiga ah ee Bulshada u geysato, kadib qoraal ay soo saarto ku sheegto inay raali gelin ka bixinayso arintaasi, xilli ay laysay dad shacab ah.
xigasho:-dhacdo.com



0 



Xildhibaan Jeesow "Ciidanka Uganda dalka halaga saaro, weerarkii Janaale kadib shacabka ayeey laayaan"
Kadib markii ciidamada Amisom fal tacadi ah ay ka geysteen Gobolka Shabelaha hoose oo Afar ruux ay ku dileen duleedka Deegaanka Buulo Mareer, ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga, wuxuu si