Maxaabiis Yamaniyiin ah oo laga sii daayay Xabsiga Guantanamo Bay ee Dalka Kuuba
Ilaa 9-Maxaabiis oo uu ku jiro Dhibane cuntadda ka soomanaa tan iyo sannadkii 2007-dii , una wada dhashay dalka Yemen ayaa laga sii daayay Xabsiga Guantanamo Bay ee Dalka Kuuba .
Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyey in Maxaabiistaasi loo soo wareejiyo Sacuudiga, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Barack Obama dhawaan booqdo dalka Sacuudiga, kana qeyb galo Shir-madaxeedka Dalalka Khaliijka Carbeed ee GCC.
Maxaabiistaan u dhashay dalka Yemen ee laga sii daayey Xabsiga Guwatanamo Bay laguna soo wareeejiyey Dowladda Sacuudiga ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Omar Abdullahi Alxikmi, C/raxzmaan Maxamed Saalax Naasir, Cali Yaxya Mahdi, Maxamed C/llaahi Maxamed Alxamri, Axmed Yaslam Saciid Kuman, C/raxmnaan Alqayati, Mansuur Maxamed Alqata iyo Mashuur C/llaahi Muqbil.

0 