HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 29kaAUGSTO 2021

0
Sunday August 29, 2021 - 07:32:47 in Wararka by
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 29kaAUGSTO 2021

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Marwada 1aad ee dalka oo xariga ka jartay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Baraawe

Marwada 1aad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa xarigga ka jartay Isbitaalka hooyada & dhallaanka ee Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyay Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in mu hiimad weyn uu u leeyahay dad ka ku dhaqan /Baraawe.

"Caafimaadku waxa uu ka mid yahay ad eegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awge ed Isbitaalkan waxa aan ugu talogalnay wax ka qabashada dhibaatoo yinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhal laanka Soomaaliyeed ee ku nool M/Baraawe iyo deegaanada kale ee G/S/Hoose.”

Saynab Cabdi Macalin ayaa adkeysay muhiima dda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaa shada an dhismaha iyo agabka kale ee yaala xaru nta oo ah mid casri ah.

Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howlwadeenada Hay’adda Saynab Moalim Fou ndation dadaalka xoogan, ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalin lahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay ma amulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka ge ystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Baraawe.

Safarka waxaa ku wehliyey Marwada 1aad ee dalka, Gudoomiyaha Baarlamaanka D/Gob olee dka K/Galbeed, Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Garga arka & Maareynta Masiibooyinka Xu kuumadda, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha, Xamse Saciid Xamse, Wasiirka Kux igeenka Caafimaadka, Dr. Axmed Xuseen Maca lin, Kusimaha Agaasimaha Guud ah na Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada, Cabdin uur Maxamed Axmed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Wak iilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Madaxweynaha DG/Hirsha beelle Md.Cali C/hi Xuseen oo howlo shaqo u jooga M/Muqdisho ay aa Shalay qaabilay Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya So omaaliya Ambasador Francisco Made ira. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ambassador Madeira ayaa kulankaan uga hadlay Amniga Gu ud ee Deegaannada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale loo ga hadlay qorshaha la dagaa llanka argagixisada iyo sidii loo sameyn lahaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabab, Arrimaha Doorashooyinka, Saameeynta fatahaadaha, iyo doorka Midowga Afrika dhanka ee dhanka horumarinta. Ugu damb eyntii labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dar dargaliyo wada shaqeynta.

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kisas kii ugu dambeeyay ee cudurka Karoo naha

Wasaaradda Caafimaadka dowladda So oma liya ayaa faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu damb eeyay ee cudurka Karoonaha.

Tirada 72 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 3,205

o Laga Helay: 194

o Banadir: 65,o Puntland: 60,o Somaliland: 29

o Galmudug: 21,o Jubaland: 18

o Koonfur Galbeed: 1,o Lab: 95

o Dhedig: 99,o Bogsashada: 74,o Dhimasho: 15

Tirada Guud ee Laga Helay: 17,210,Bogsashada Guud: 8,286,Dhimashada Guud: 953 

Madaxweyne Deni oo kulamo ka wadda Nairobi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Dorraad gaaray magaalada Nairobi ee xar unta waddanka Kenya ayaa halkaas ka wada ku lamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in mad axweyne Deni uu Nairobi kulamo la xiriira Arri maha doorashada uu kula leeyahay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Keny

Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ay aa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo sa aray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoo se ee Baarlamka dalka.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan goboladi markii hore ay ka yimaadeen si loo bilaabo doorashada Aqalka Hoose.

Ciidamada Somaliland oo ‘weeraray’ guriga Coldoon

Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Co ldoon oo haatan u xiran Somaliland ayaa shaa cisay inay Shalay aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka trsan maamulkaasi.

Aasiya Faarax oo ah xaaska War iye Coldoon ayaa barteeda Faceb ook-ga ku sheegtay in ciidamadu ay si xoog ah ku soo galeen guri ga, kadibna ay baaris ku sameeye en. Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in cii damadu ay argagax weyn geliyeen caruurta iyo haweenkii xilligaas ku sugnaa guriga Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

"Ciidan Isugu jira malateri iyo Booliis badan ayaa abaaro 05:00 subaxnimo soo weeraray gur igii Samafale Coldoon, iyagoo argagax geliyey caruurtii iyo haweenkiiba.” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciida mada Somaliland ay amar la’aan guriga kusoo da ateen, iyada oo ku eedeysay inay baal mareen sharuucda caalamiga ah iyo dhaqanka.

"Intaa waxaa dheer inay guriga bila idin u soo daateen iygoo baal maray xe erarkii caalamiga ahaa iyo tii dhaq anba.” ayey raacisay Aasiya Faa rax. Arrintan ayaa ku soo aadey so, iyadoo uu haatan Somalil and u xiran yahay Wariye Coldoon oo baahiyey warbi xino isdaba joog ah,isla-markaana liddi ku ahaa dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey mac alimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiix iyad howl Diimeed u timid deegaanada maamulka Somaliland.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo war cusub kasoo saartay kiiska gabadheeda

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikr aan Tahliil oo muddo badan lagu la’yahay gacan ta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo shir jar aaid qabatay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan ilaa hadda wax laga qaban.

"Iyadoo ay hadleyn culumadii, waxgaradkii bee laha Hawiye iyo siyaasiyiinta weli dowladda Soo maaliya wax way ka qaban la’dahay kiiska gab adheeda, waa arrin yaab leh oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, gabadheeda waxay iga maq an tahay muddo laba bil ah,” ayey tiri Qaali Max amuud. Hooyo Qaali ayaa sheegtay inay wacday nambarada Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse nasiib darro waxay tilmaamtay inaan laga jawaabin wicitaankeeda.

Hooyo Qaali ayaa tilmaamtay inaysan dalka doorasho ka dhici doonin illaa laga soo daayo gab adheeda, waxayna ku hanjabtay inay iyagana soo afduuban doonaan dad kasoo jeedo qabiil ay sheegtay inay heystaan gabadheeda.

"Gabadha waxay kasoo jeedaa 10 qabiil, dadk eeda dhan waxay ka kala tirsan yihiin ciidamada Gorgor iyo Haramcad, madaxweyne Farmaajo ha ddii aad rabto inaad dadka isku dhameyso adiga ayey kuu taallaa, haddii kale kasoo hadal xariga gabadheeda Ikraan.” ayey tiri mar kale Hooyo Qaali oo ilmeeneysa.

Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntii sheegtay in uu soo wacay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha hey ’adda NISA islamarkaana uu u sheegay inay ka war sugto muddo laba maalin ah, waxayna sheeg tay inuusan illaa hadda lasoo hadlin lana marayo muddo laba bil ah.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baarit aanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeyneysay hay’adda NISA oo had da la la’yahay muddo laba bil ah, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xa fiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’ adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlaman ka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madax da sare ee hay’adda NISA.

Waare oo shaaciyey qorshe siyaasadeed oo ka dambeeya colaadda ka taagan Hiiraan

Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadda ka taagan M/ Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waare ayaa ugu horreyn ka digay sii socoshada colaada G/Hiiraan, wuxu una ugu baaqay beesha uu kasoo jee do ee Xawaadle inay ka shaqeyso si dii loo damin lahaa xiisadda taagan.

"Waxaan Shalay maqlay war naxdin leh: in Be ledweyne Duleedkiisa lagu dilay dhowr qofood oo beeraley ah. Arrintaasi waxay halis u tahay inay soo noolaato colaadii qabooday ee u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre,” ayuu yiri Waare.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray dadkii la dilay, wuxuuna dilkaan ku eedeeyey inay ka da mbeeyaan shakhsiyaad dano siyaasadeed leh, inkastoo uusan magacaabin dadkaas.

"Waxaan xog ku heynaa in arrintaas abaabuleen dad dano siyaasadeed oo guracan leh. Waxaan ugu baaqaayaa walaaluhu inaysan ku dhicin dab inka loo maleegaayo, colaadana joojiyaan. Gaar ahaan beesha Xawaadle ee dadka laga dilay inay muujiyaan sabar iyo dulqaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Jimcihii ayey ahayd markii ay dabley hubeysan weerar ku qaaday duleedka magaalada Beledwe yne ay ku dishay dhowr qof oo Beeraley ahaa oo ka soo jeeday Beesha Xawaadle.

Xaaladda M/Beledweyn iyo duleedkeeda ayaa hadda dagan, waxaana jirto cabsi laga qabo in Be esha Xawaadle ay sameyso aargudasho, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in la gu soo afjaro xiisadaan.

Somaliland oo ‘oggolaatay’ dalabka MAREY KANKA ee qaxootiga AFGHANISTAN

Somaliland ayaa mabda’ ahaan ogolaatay inay qaadato qaxooti kasoo jeeda dalka Afghanistan, sida uu Jimcihii sheegay sarkaalka tirsan Wasa aradda Arrimaha Dibedda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in Hargeysa ay wada-hadallo la gashay saraakiisha Mareykanka, oo ku saabsan inay si ku-meel gaar ah u marti-geliso qaxootiga Afghanistan.

Mareykanka ayaa Afg hanistan ka qaadaya ku manaan qaxooti oo ka ca raraya xukunka Taalib aan, kuwaas oo badankood ah dad la shaqeeyey ciidamada Mareykanka iyo ehalladooda.

"Waxaan mabda’ ahaan ogolaanay inaan ma rti-gelino qaxootiga Afghanistan, si ku meel-gaar ah,” ayuu yiri sarkaalka reer Somaliland ee la ha dlay AFP, isaga oo intaas ku daray in heshiiska ar rintan ku saabsan uu weli marayo marxalad hor udhac ah, ayada oo weli arrimo farsamo ay u baa han yihiin in laga shaqeeyo, sidoo kalena aan taa riikh loo goyn waqtiga imaanshahooda.Haddii qax ootigan la geeyo Somaliland, waxay halkaas joogi doonaan illaa Mareykanka uu ka diyaariyo Visa-ha ay ku galayaan dalkaas, taasi oo qaadan karta bilo ama sanado.

Mareykanka ayaa sidoo kale wada-hadal kula jira Uganda, si ay qaxooti dheeraad ah oo Afg aaniyiin ah u qaadato. Arbacadii ayaa diyaarad sidday 51 qaxooti oo Afgaaniyiin ah ay gaartay magaalada Kampala.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeys ain Kampala ay ogolaatay inay qaabisho illaa 2,000 oo qaxooti.

Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day kana madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee ma haysato aqoonsi caalami ah.

Ma cadda haddii Mareykanka uu arrintan kala ha dlay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u arki karta inay xadgudub ku tahay madax-bana anida dalka haddii aan lagala tashan, hase yee shee Muqdisho ma lahan wax awood ah oo ay ku hor-istaagto qorshahan.

Heshiis Hordhac Ah Oo Laga Gaaray Xiisad ii Ka Taagneyd Magaalada Baladweyne

M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa wa xaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhaw aan qabsaday Xarunta uu shaqeynayay Maamul ka Gobolka Hiiraan

Kulamada oo ahaa kuwo xal looga raadi nayay xaaladdii ka taagneyd Baladwey ne ayaa waxaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo Ciidankii la magac baxay Badbaadada Hiiraan looga saarayo Xaru nta Maamulka, iyo xerada Gaaska 5-aad Milateri ga dowladda ee lama galaay.

Madaxweyne ku-xigeynka Hirshabeelle -Dabageed, Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Mu qtar Xuseen Afrax iyo Odayaasha dhaqanka ayaa balan qaaday in la fulin doono shuruudo ay horey Ciidanka la magac baxay Badbaadada Hiiraan u gu xiraan inay ka baxaan Xarunta Maamulka. Ciidamada ayaa dalbaday In aanan loo raacan in wax daalac ah, la bar tilmaameedsan, laguna soo oogin kiisas Maxkameed, In loo fasaxo Mushaaraad horey looga xayiray iyo In dib loogu celiyo xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo laga qaaday.

Ciidamadan ayaa kasoo horjeeda safar la sheegay in Magaalada Baladweyne uu ku tegayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xu seen Guudlaawe, waxaana Magaaladaas ka dha cay banaanbax, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ay ka jirtay xaalad kacsanaan ah.

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo ay ugu horreeyaan Guddoomiye Cali Jeyte Cis maan, Duqa Baladweyne iyo Mas’uuliyiin kale ee Maamulka ayaa berrito dib ugu shaqa bilaabi doo na Xaruntooda oo maalmo kahor la wareegeen Ciidamo diidan in Cali Guudlaawe tego halkaas. Xukun Lagu Riday Nin Dil Ka Geystay Degaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa soo ga ban-gabeysay fadhiyo dhowr ah oo ay ku dha geysatey dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cabdikariin Muxyadiin Cali oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eed eeyay dil xili habeen ah 06/10/2020 loogu geystay deegaanka saddax-Higlo oo Gaalkacyo hoostaga Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale

Xeer ilaaliyaha guud ee Galmud ug Cabdicasiis Nuur Xuseen oo cu skanaya xaanshi qiraal ah oo ee deysanaha laga qoray iyo caday mo kale oo laga soo uruuriyey goo bta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbadey in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag..

Dhanka kale Abuukaate Xalane oo difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in inay is buri nayaan qodobada eedda ee xafiiska xeer ilaalinta iyo qaabka falku u dhacey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug Cabdiraaq Cali Yuusuf oo dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysan aha kadib, ku dhawaaqey xukunka Maxkamadda ayaa cadeeyay in Cabdikariin Muxyadiin Cali ya hay dambiile galay dambiga lagu soo oogey, isla markaana lagu xukumey dil toogasho ah oo no qonaya qisaasta Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale. Si kastaba Maxkamadda Gobolka Mu dug ee dowlad Goboleedka Galmdug ayaa horey sidaan oo kale xukuno kala duwan ugu riday rag dilal qor sheysan ka geystay degaano ka tirsan Gobo lkaas.

AMISOM oo sheegtay inay kordhinayso howlg alada ay wadaan dalka Soomaaliya

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soom aaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo ma almood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xir iiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku ku qiim eeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).Taliye ku xigeenka AMISOM dhanka Howlgalla da & qorsheynta Gen William Kitsao Shume ayaa saraakiisha u sheegay in horumar wacan oo muu qda ka sameeyaan howlgallada la qorsheeyay oo u baahan in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bixiyay fasaxa AMISOM ayaa qaraarka tirsi giisu yahay 2568 u diyaariyay in la fuliyo howlg allo 2021 oo ay iska kaashanayaan Ciidamada So omaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

DFS iyo M/Afirka ayaa isku fahmay shir Muq disho ay ku yeesheen oo looga hadlay Mustaqbal ka Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya ku su gan tan iyo sanadkii 2007-dii, muddada joogistoo da waa December 2021 balse waqti kordhin ayaa loo diyaariyay.

Sababta diiddan in Al-Shabab laga saaro Jubada Hoose

Tan iyo markii M/Kismaayo laga qabsadey Al-Shabaab siddeed sano kahor, waxay weli kooxdu gacanta ku heysaa degmooyin badan oo hoos-yimaada gobolka Jubada Hoose iyo guud ahaan gobolka Jubada Dhexe.Labadii sano ee ugu da mbeysay ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa isku horfadhiy ay degmadaasi meelo aan kala fogeyn

Haddaba, maxay yihiin caqabadaha ku hor gu dban in gobolkaas lala ware ego?

Xasan Maxamed Aadan Cira aqi oo ah Sarkaal hore uga tir sanaa ciidamada Jubbaland ayaa VOA-da u sheegay in caqabada u weyn ee ku hor gudban ay tahay mid siyaasadeed iyo kala qeybsanaan gudaha Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM.

"Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa cadowga lagu wajahi karaa, waxaan isleeyahay qeybtii AMISOM ayaa marwal ba howsha sidii la rabay uga qeyb qaadaneyn, ha noqoto mid siyaasadeed iyo mid gudahooda ahba,” ayuu yiri Xasan Ciraaqi.

"Waxaa u maleynayaa in AMISOM ay ciidama da u raaci laadahay ay tahay inaysan haysan amar guud oo ah in halmar la wada qabto dalka oo dhan.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in si buuxda loo dhiso ciidamada Soomaaliyeed, ayada oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeynayo, islamarkaa na meesha laga saaro kala qeybsanaanta, si ay u fududaato guulo laga gaaro cadowga.

Ugu dambeyntiina waxa uu kula taliyey ciidama da inay daacad ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, una dhintaan, illaa inta dalkeena laga xoreynayo

Taliyeyaasha AMISOM oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliy ayaashu ay ku ku qiimeeyeen horumarka ilaa ha dda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada

Midoobay ee 2568 (2021).

Dil Shalay Ka Dhacay Magaalada Garoowe Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Cii damo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Gobo leedka Puntland oo Shalay gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Darawal Mooto Bajaaj oo kamid ahaa dhalinyaro ku shaqeysanayay Mootada. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in dilka loo geystay Darawalka Mooto uu sigaar ah uga dhacay wada da Soddonka ee Garoowe oo ay isticmaalaan gaadiidka Bajaajta, isagoo u geeriyooday rasaas lagu furay.

Darawalka oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa wa xaa lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Xuseen Mi re, waxaana goobta uu dilkiisa ka dhacay ka baxs aday Ciidankii falkaas fuliyay oo la tilmaamay inay wateen gaari nooca raaxada ah.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dilka Marxuum Cabdixakiin Xuseen laamaha amniga Puntland ay u qabteen laba Askari oo haa tan xiran, iyadoona Meydka la geeyay Isbitaalka Carafaat.

Ciidamada Maamulka Puntland oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan dadka rayidka ah ayaa marar badan dhibaato u geysta shacab aan waxba Shalaysan, waxaana sidaan oo kale gudaha Magaalada Garoowe loogu dilay Wiilal dhalinyaro ah.

Midowga Yurub oo weerar ka fuliyey xeebaha Somalia

Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa shaa ciyey in markab kusoo wajahnaa dekedda Muqdi sho uu si diriq kaga bad-baaday weerar maamlo ka hor ku qaadeen burcadbadeed Soomaali ah.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa warbixin kasoo baxday ururka lagu sheegay inay fuliyeen 4 nin oo watay doon kuwa dhe ereeya ah, balse uu fashilmay weerarkaas.

Qoraalka ka soo baxay EU NavFor ayaa wa xaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay dam acsanaayeen inay qafaashaan markabka, si ay uga helaan madax-furasho, balse ay si deg deg ah gurmadeen ciidankooda la dagaalanka burc adbadeeda ee biyaha Soomaaliya.

"Weerarkaas waxaa fuliyay afar ruux oo la soc day doon yar oo ah kuwa dheereeya, waxa ay we erareen markabka oo ay damacsanayeen in ay qafaashaan si ay uga helaan Madax-furasho ba lse gurmad degdeg ah ayaa gaaray oo ka socda howlgalka EU NavFor, ”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay howl-galka Ururka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, balse burcadbadeeda ay ku guul darreys atay inay gacanta ku dhigaan markabkaasi.

Ugu dambeyn Ururka Midowga Yurub ayaa xusay in markabkan oo ahaa mid ganacsi uu si nabad ah ku soo gaaray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

"Ka dib markii weerar iyo iska caabbin is dhaaf sadeen Ilaalada Markabka iyo Burcadda oo ugu yaraan muddo saac dagaalamay, Burcaddu way ku guuldareysatay in ay gacanta ku dhigto, si nab adgalyo ah ayuu Markabka ku gaaray Dekedda Muqdisho” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka kaso baxay howlgalka EU NavFor.

Weerarkan ayaa noqonayaa midkii labaad oo ay fuliso kooxda burcad-badeeda, iyaga oo horay sanadkan gudihiisa isugu dayey inay afduub u geystaan markab kale oo shisheeye.

Dad Loo Xiray Fal Shalay Lagu Gubay Xaruntii Bisha Cas Ee Baardheere

Xarun hay’adda Bisha Cas ku laheyd M/Baar dheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaal iya ayaa Shalay la gubay, waxaana gubay qaar kamid ah shaqaalihii ka shaqe ynayay Xarunta Hay’addaas, sida wararka lagu helay

Sababta keentay gubida Xa runta Bisha Cas ay aa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii shaqada la ga ceyriyay shaqaale ka shaqeynayay Hay’adda, kadibna dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray shaqaalaha laga ceyriyay shaqada iyo kuwa shaqeynayo.

Sawirro laga soo qaaday Xarunta ayaa muujin aya bur-bur xoogan oo gaaray Bakhaarada, dad ka deegaanka ayaa isku dayay in ay demiyaan dabka, hayeeshee waxa ay ku guul-dareysteen deminta dabkaasi oo geystay khasaaro hantiyad eed.

Guddomiyaha degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amaanka degm ada ay soo xireen 8 qof oo ka dambeeyay falkii Shalay lagu gubay Xarunta Bisha Cas ee Baa rdheere. Guddoomiye Maxamed Wali ayaa tilma amay in sharciga ka horgeyn doono dadka loo qa btay falka gubida, isla markaana laga qaadi doo no tallaabo sharciga waafaqsan dadkaas oo dhammaantood ah shacab.

Si kastaba Dhacdadii Shalay lagu gubay Xar untii hay’adda Caafimaadka ee Bisha Cas ku lah eyd M/Baardheere ee G/Gedo ee K/ta Soomaal iya ayaa aad looga hadal hayaa Magaaladaas, waxaana sigaar ah dabka uu u sameeyay Bakhaa rada Daawada.

Ururka Taliban oo codsi u diray haweenka ka shaqeeya xarumaha caafimaadka

Taliban ayaa ka codsatay haweenka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas inay dib ugu laabtaan shaqadooda.

Afhayeenka kooxda Zabihul lah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay "in haweenkan ay si joogto ah shaqadooda dib ugu laabtaan”

Balse ma uusan soo hadal qaadin waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda dumarka kale ee ka shaqeeyo dalkaas.

Horraan Taliban waxay haweenka dalkaas fart ay in guryahooda ay joogaan si ay u ilaaliyaan am nigooda. Haweenka Afghanistan waxay walaac ka muujinayeen mustaqbalkooda kadib markii koo xda Taliban ay la wareegtay dalka.

Gantaalo lala beegsaday saldhigga Marey kanka ee xadka Ciraaq

3 gantaal ayaa lala beegsaday saldhig milateri oo Maraykanku ku leeyahay meel u dhow isgoy ska Jerishan ee ku yaal xadka Ciraaq iyo Kuwait, sida uu sarkaal boolis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wuxuu sheegay in laba gantaal ay ku dhaceen agagaarka saldhigga, halka kan saddexaadna uu ku dhac ay dhinaca Kuwait ee xadka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, gantaalka dhanka kalane ma ji rto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Ciraaq iyo ciidam ada Mareykanka ee dalkaas ayaan weli ka hadlin dhacdadan wax khaasare ah oo ka soo gaaray.

Bilihii la soo dhaafay, saldhigyada milateri ee ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa lala beegsaday weerarro gantaal waxayna Washington inta badan ku eedeysay kooxaha hubeysan ee taabacsan Iran in ay mas’uul ka yihiin.

Xoogagga siyaasadeed ee Ciraaq ayaa ku ba aqay in ciidamada Mareykanka laga saaro wad danka, iyada oo la raacayo go’aan baarlamaan oo soo baxay Janaayo 5, 2020-kii.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa shalau yimid, inkasta oo Baqdaad iyo Washington ay ku heshi iyeen 26 -kii July in ciidamada dagaalka Mare ykanka laga saaro Ciraaq dhammaadka sanad kan.

Daalibaanka oo qabsaday hub fara badan 200 oo Dayuuradood oo ay ka mid yihiin AC-130

Kabul:-Dagaalyahannada Daalibaan ee la wareegay dalka Afghanistan ayaa la wareegey hub ciidan oo noocyo badan iskugu jira oo ay xitaa da yuurado casri ihi ka mid yih iin. Daalibaan ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 200, 000 oo qori gacmeed, 20,000 Humvee, waxaa ka daran ilaa 208 dayuuradood oo ah noocyo kala duwan oo ay ku jiraan 4 ah nooca AC-130 oo la siiyey Ciidanka Xoogga dalkaasi.

Waxaa la arkayey Daalibaan oo laamiga ku wa da dayuurad Blackhawk ah oo ay middiiba joogto $6m oo doollar, kuwaasoo 7 ka tirsan bishii hore uun lagu wareejiyey Ciidankii kala cararay.

Waxaa dayuuradaha ku jira 23 xabbo oo ah A-29 Super Tucano, 45 xabbo oo ah UH-60 Black Hawk iyo 50 ah nooca dagaalka ee fudud ee MD 530 ee ku jirey dagaalkii Ciidanka Rangers-ka ee Somalia.

Dhanka kale La Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa 7aadkii hore qir tay in aanay sawir cad ka haynin sida loo qabsad ay hub ku kacaya $83 bilyan oo doollar oo haatan ku jira gacanta Daalibaanka.

A Taliban fighter poses with a US-made Afghan air force Blackhawk helicopter at captured Kanda har airfield [File photo]The Afghan military has fo ur C-130 transport aircraft, seen above. US-pro vided military equipment is now in danger of falling into Taliban hands as the group takes over

Afghanistan

Hoggaamiyaha Tigray-ga oo mowqif cusub kasoo saaray dagaalka dowladda Ethiopia

Hoggaamiyaha Tigray-ga ayaa sheegay inay ka go’an tahay in wada-xaajood lagu dhammeeyo dagaalka sagaalka bil ka socda gobolka ee ay ku dhinteen kumanaanka qof, islamarkaana in ka ba dan nus milyan kale ay ku bar akaceen. Warqad uu u diray xog hayaha guud ee QM Antonio Guter res, oo ay aragtay wakaaladda war arka AP, ayuu Debretsion Gebrem ichael ku sheegay in Tigray-ga ay doonayaan dhex-dhexaadiyey aan dhinac u janj eerin.

Hase yeeshee waxa uu ka digay in Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay Ethiopia "uusan wax hal u keeni karin dagaalka” sababtoo ah ururkan ay aa horey u taaaeeray dagaalka dowladda Ethi opia ay ku qaaday gobolka. Arrintan ayaa cakirey sa hindise uu Midowga Afrika ku dhowaaqay Kha miisti oo uu ugu magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo erge yga garaka ah ee ururka u qaanbilsan Geeska Afr ika.Caqabadda kale ee jirta ayaa ah in dowladda Ethiopia ay ku calaameyso ururka TPLF ee Tigray inuu yahay urur argagixiso, taasi oo macnaheedu yahay inaysan wada-hadal la geli karin.

Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa Gol aha Ammaanka u sheegay inay muhiim tahay in D /Ethiopia ay ka laabato go’aanka ay TPLF ugu yeertay argagixiso, si wada-hadallo loo furo.

Dhinaca kale, dagaalka Tigray ayaa 7baadya dii tegay kusii faafay gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah, ayada oo ciidamada TPLF ay dhul badan qabsadeen.

Waxay tani kasii dartay xaaladda gobolka, aya da oo ay sii kordhayaan dadka barakacay, oo ku wa badan oo ka mid ah laga cabsi inay gaajo iyo macluul u dhintaan.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Ethiopi a ay dooneyso in gaajo u la’daan shacabka Tigr ay. "Ujeeddada waxay tahay in la cirib-tiro Tigray-ga ayada macluul loo dilayo,” ayuu yiri Debretsion oo tixraacaya xanibaado la sheegay in dowladda Ethiopia ay saartay gargaarka ay hay’adaha caal amiga gaynayaan gobolka.

Madaxweyne Joe Biden oo diiday QORSHE ay la timid Israel oo ku wajahan IRAN

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet in diblomaasiyadda ay tahay xulashadiisa 1aad, balse uu ka fakari doono kuwa ka le, haddii ay fashilmaan dadaall ada dib loogu soo nool eynayo wada-hadallada Nukliyeerka Iran

Biden ayaa hadalkan sheegay kadib markii labada hoggaamiye ay Washington ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii Bennet uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israel, bishii June.

"Diblomaasiyadda ayaan marka hore hormarin eynaa, waana arki doonnaa halka ay na geyso,” ayuu Biden ka yiri kulanka Aqalka Cad. "Balse haddii diblomaasiyadda ay fashilanto, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashaooyin kale.” Mar waxa laga weydiiyo xulashooyinka kale kale ee Biden uu ka fakarayo, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki waa ay diiday inay ka hadasho.

Bennet ayaa Aqalka Cad yimid ayada oo ujeedk iisu yahay inuu Biden ka dhaadhiciyo inuusan dib ugu laaban heshiiska Nukliyeerka Iran ee la sax iixay xilligii madaxweyne Obama, balse uu ka baxay madaxweyne Trump.

Tan iyo markii Mareykanka uu heshiiska ka bax ay 2018-ka, Tehran ayaa sare u qaaday kobcinta uranium-keeda oo ay gaarsiisay 63%, oo ku dhow heerka laga soo saari karo hub Nukliyeer, halka intii ay heshiiska ku jirtay ay aheyd kaliya 3.67%.

weerarkii Westgate Mall oo loo doortay xil sare

Bennet ayaa sheegay inuu Aqalka Cad la yimid xeelad looga hartagi karo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, taasi oo si gaar ah uu ula wadaagay Biden. Si kastaba, wuxuu qanacsanaan ka muuji yey in isaga iyo Biden ay ka mideysan yihiin in Iran aan marna loo ogolaan inay hesho hub Nuk liyeer.

"Iran waa dalka koowaad ee caalamka ee dhoo fiya argagixisada, xasillooni darrada iyo xadgudu byada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Bennet.

Bennet ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran oo ka qafiifin doona cunaqabateynada saaran uu ka dhiggan yahay inay heli doonto kheyraad ay kusii kobciso uranium-ka.

Biden ayaa caddeeyey in damciisu yahay inuu helo waddo Iran loogu celin karo heshiiskii Nukliy eer ee 2015 ee uu galay maamulkii Obama ee Bid en uu ka ahaa madaxweyne ku-xigeen.

Washington iyo Tehran ayaa waxay wada-hada llo dhowr ah ku dhex-mareen Vienna, hase yee shee waxay istaagaan markii Iran ay gashay doo rashooyinkii lagu doortay madaxweyne Ebrahim Raisi. Ma cadda xilliga ay dib u bilaaban doonaan.

Qodobada heshiis xasaasi ah oo Turkey iyo Qatar ay la gaareen Taalibaan (Aqriso)

Turkey iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garo onka, sida ku cad hes hiis ay la galeen Taalibaan

Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhmeysti ri doonaa kadib markii ciidamada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghan istan, toddobaadka soo socda.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ay qasab tahay inuu saxiixo he shiiska. Waxaa la filayaa inuu arrintan wada-tashi kala yeesho xulufadiisa NATO, gaar ahaan Marey kanka.

Turkey ayaa dhowaan soo geba-gebeysay ka bixitaanka ciidamadeeda ee garoonka kadib ma rkii wada-hadallo ay la yeesheen hoggaanka Taa libaan lagu gaari waayey heshiis ay ciidanka Ank ara kusii joogi lahaayeen garoonka kadib bixit aanka Mareykanka.

Turkey ayaa muddo toddobaadyo ah sahmine ysay suurta-galnimada ah inay sugto amniga gar oonka marka ay ka baxan cidamada Mareykanka.

Faah-faahinta heshiiska qabyada ah

Erdogan ayaa khudbad uu Jimcihii jeediyey ku sheegay in Taalibaan ay Turkey u yaboohday fur sad ay ku maamusho garoonka, hase yeeshee ay ku adkeysteen inay amniga ayaga sugaan.

Si kastaba, labada dhinac ayaa hadda isku raa cay heshiis qabyo qoraal ah oo xal u noqon kara arrintan, waxaana qodobada ugu muhiimsan he shiiska ay yihiin:- doona kuwa dharcad ayaa sugi doona amniga shaqaalaha Turkish-ka ee garoonka, balse kama bixi doonaan xeendaabka garoonka.

Mid ka mid ah caqabadaha hortaagan heshiisk an ayaa ah in dowladdii hore ee Afghanistan ay bishii October ee sanadkii tegay ay qandaraas lagu maamulayo garoonka siisay shirkad laga le eyahay dalka Imaaraadka Carabta. Taalibaan ay aa u baahan inay heshiis gaar ah la gasho shirk adaas.

Ciidamada gaarka ah oo sii jooga

Turkey ayaa weli waxaa u furan safaaraddeeda Kabul, kamana aysan soo daad-gureyn dalkaas diblomaasiyiinteeda muhiimka, oo uu ku jiro saf iirka.

Sidoo kale, xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkey ayaa ku sugan Kabul, si ay u ilaa liyaan safaaradda, halka kuwa kale ay joogaan Isl amabad, si haddii gurmad ahaan loogu baahdo loogu yeero.

Sanadahii tegay, Turkey ayaa ilaalineysay qey bta militari ee garoonka, si looga hor-tago weer aro banaanka uga yimaada.

Horraantii xagaagan, Ankara ayaa ku dhoweyd in Mareykanka la gasho heshiis ay kusii waddo howlgalkan, hase yeeshee deg-degtii at Taalibaan kula wareegtay dalka ayaa beddeshay xaaladda.

Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in sii joogitaanka Afghanistan uu ka caawin doono inay ilaaliyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee ay ka leeyihiin dalkaas..

MAREYKANKA oo weerar aargudasha ah ka fuliyey wadanka AFGHANISTAN

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee nooca Drones-ka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka ful iyey bariga Afghan istan, iyada oo lagu beegsaday kooxda Isis-K oo ah ururgobo le ed ka tirsan kooxda la magic bax day dowladda Islaamka.

Weerarkan oo ahaa mid aargoosi ah ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar, iyada oo lagu barti lmaameedsaday gaari uu la socday sarkaal koo xda Isis-K u qaabilsanaa dhanka qorsheynta.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday in duqeyntaas ay u dhacday sidii loo qorsheeyey, isla-markaana ay fulisay diyaarad kuwa qumaat iga u kaca ah oo ka soo duushay saldhig aan la magacaabin oo uu Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.

Sidoo kale militeriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay rumeysan yihiin inay khaarijiyeen sarkaalkaasi, walow aysan shaacin magaciisa dhabta ah.

Maalin ka hor ayey aheyd markii qaraxyo is xig-xigay oo ay sheegatay Daacish ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, waxaa na ku dhintay ku dhawaad 170 qof oo ay ka mid yihiin 12 askari oo ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

Kadib weerarkaasi Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday gar oonka diyaaradaha ee caasimada Kabul.

Si kastaba weeraradan ayaa ku soo aadayo, xilli weli ciidamada Mareykanka ay wadaan daad-gureynta dadka ka baxsanaya Afghanistan, kadib markii ay la wareegtay Taalibaan


MUXUU YAHAY HESHIISKA AY GAAREEN DDSI IYO PUNTLAND?


Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo is-maamulka Somaalida Itoobiya ayaa heshiis kala saxiixday, kadib markii wafuud ka kala socotay labada dhinac ay shirweyne ku yeesheen degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay maas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda, mida ganacsiga, maamu lka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga Punt land, halka dhanka dowlad deegaanka Soomaal ida ay matalayeen guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyeyayaashii degmooyinka Bookh, Galx amur, Galaadi, Danood iyo hay’adaha amniga, iya da oo gabagadii shirweynahan laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-had lay, isla-markaana diiradda u saaray wada-shaqe ynta amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS.

Puntland iyo is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku heshiiyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee lidka ku ah amniga labada dhinac Sidoo kale wa xaa heshiiskan qeyb ka ah in si isku mid ah looga hortego deegaameynta cusub xadka ay wad aa gaan 2da maamul & in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Guddiyada ka socday labada dhinac ayaa sidoo kale is afgarad ka gaaray iskaahsiga ilaalinta can shuuraha iyo arrimaha dakhliga gudaha.

Si kastaba heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii dambe Puntland ay ka caban aesay maan-dooriyaha nooca qamriga ee uga yimaada dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida, halka ismaamulka dowlad deegaankana uu ka cabanayay hubka & wax-yaabaha qarxa ee laga soo galiyo dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

HOOS KA AKHRISO:-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip