Turkiga oo 30 Million oo dollar ugu deeqay Soomaaliya

0
Thursday August 05, 2021 - 19:05:31 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo 30 Million oo dollar ugu deeqay Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


 

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 30 Million oo dollar, taas oo bilwalba qeyb kamid ah lacagtaas la siin doono Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray Wargeyska dowladda Turkiga Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa bixineysa lacagtaas, waxaana soomaliya bil walba la siin doonaa lacag dhan 2.5 Million illaa inta ay ka gaareyso 30 Million oo dollar.

 

Wasaaradda Arrimaha Turkiga ayaa ku sheegtay sababtaya ay Soomaliya u siineyso lacagtaas in Soomaliya ay ku horumariso dhaqaalaheeda iyo dib u habeynta xarumaha dowladda.

Sidoo kale Turkiga ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan sida loo isticmaalo lacagahaas, iyagoona isha ku heyn doono in loo isticmaalay xeerka dhaqaalaha, horumarinta iyo dib u habeynta maamulka.

Dowladda turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana ay Soomaliya u tababartay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip