Chelsea Oo Markii Labaad Taariikhda Ku Guuleystay Champion-ka , kadib markii ay ka badiyeen City.
Kooxda Chelsea ayaa markii labaad taariikhda ku guuleystay Champion-ka waxa ayan hal gool uga badiyeen kooxda Man City oo ay u aheyd markii ugu horeeysay ee ay finalka yimaadaan.
Sheekada qeybta hore: Chelsea ayaa Man City nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid dhamaadkii qeybtii koowaad ka dib ciyaar Chelsea ka wacneyd kooxda hantiilayaasha .
Biloowgii ciyaarta waxa ay aheyd mid la isu diiday in la helo masaaxooyin oo Man to Man ayay ciyaarayeen labada koox, City ayaana ku badneyd kubadda
Balse Chelsea iyaga ayaa fursado helayay balse deg degsiimo ayaa dilysay oo keeneysay in ay iska qasaariyeen fursado xaqiiq ahaa
Chelsea daafaca ahaaan aad ayay u wacnaayeen , weerarkana rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen halka Man City ku adkeyd in kubadda u dhaweeyaan aagga goosha Chelsea kaliya hal jeer ayay tageen waxa ayna aheyd daqiiqadii 28-aad waxaan sidaas sameeyay Riyad, kadib dhacadaas.
Chelsea dhan waliba iyaga ayaa ka fiicnaa Man City kuwaasi oo dhibaato dhanka qadka dhexe ka sheeganeysay
Daafaca City oo si ka bad badis ah u soo baxayay waxaa lagu helay gool dhamaadkii qeybyii hore waxaana si bilaa ilaalo ah ku dhaliyay KAI daqiiqaddii 43-aad , waxaana xusid mudan in Chelsea daqiiqadii 39-aad uu ka dhaawacmay Thiago Silva iyadoo lagu badalay ndreas Christensen
Soo laabashadii , City cadaadis ayay ciyaarayeen balse meel ay kubadda ay marsiiyaan waayeen , ma jirin xittaa kubad ay ku laadayeen goosha xilli Chelsea rogaal celiska ah ayay ku tiirsanayeen
Cty waxaa dhaawac daqiiqadii 58-aad looga saaray De Bruyne ka dib markii uu carqaladeeyay Ruediger kaasi oo laarka digninta la siiyay waxa uuna macalin Pep soo giliyay Jesus .
City aad ayay uga liiteen dhanka weerarka halka qadka dhexena laga haystay, waxa ayna City badal labaad ku soo giliyeen Fernandinho oo daqiiqadii 64-aad loo saaray Bernado Silva halka Chelsea soo giliyeen Pulisic oo daqiiqadii 66-aad loo saaray Warner , waxaana xusid mudan in daqiiqadii 86-aad fursad xaqiiqo aheyd laga bad baaidyay
City xal ma hayn , waxa ayna daqiiqadii 72-aad ku sigteen gool labaad , Chelsea waxa ay cyaareysay kubad isu dheeli tiran daafac iyo marka weerarka soo aadayaan waxa ayna kooxda Pep u diideen in meel ay kubadda marsiiyaan , waxa uuna macalin Pep daqiiqadii 77-aad soo giliyay Aguero oo loo saaray Raheem
City waa ku badneyd kubadda balse ma aheyn wax qiimo leh oo ma jirrin halis gilin ay sameeyeen , waxa ayan Chelsea daqiiqaddii 80-aad soo giliyeen Kovacic oo loo saaray Mount
City si waliba ayay isku dayo u sameeyeen balse ma aheyn mid halis ah wax aana ciyaarta ku dhamaaty halkaas gool ee ay Chelsea ku qaaday finalka Champion-ka.
Chelsea Oo Markii Labaad Taariikhda Ku Guuleystay Champion-ka , kadib markii ay ka badiyeen City.
...