Ruto ayaa waxaa loo haystay inuu mas’uul ka ahaa ficillo dil, dad si qasab ah lagu daad gureeyey iyo dad la caburiyey, intii ay socdeen rabshadihii Kenya ka dhacay 2007 illaa 2008 ee ka dashay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas.
Sidoo kale weriye Sang oo madax ka ahaa radio ku yaal magaalada Nairobi ayaa la baabi’iyay dacwadii loo haystay si lamid ah Ruto.
Baabi’inta dacwadan ayaa waxa ay faa’ido u tahay Ruto oo haatan doonaya in mar kale la soo doorto iyadoo ololaha doorashada dalka Kenya ay ka socoto gobolada dalkaasi Kenya.
Bishii March 2015 ayay Maxkamada ICC baabi’isay dacwad loo haystay Madaxweynaha Kenya Uhrru Kenyatta taasoo ahayd eedyemo ku saabsan inuu rabshado huriyey.



0 



Maxkamada Dambiyada Caalamka ICC oo baabi'isay dacwadii William Ruto
Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa baab'iisay dacwadii loo haystay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto. William Ruto ayaa loo haystay dambiyada bani'aadanimada ka dhan ah iyadoo maanta garsoorayaashii dacwada qaadayay