Soomaaliya oo Beenisay In ay Kenya Kala Heshiisay Muranka Badda

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:55:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Beenisay In ay Kenya Kala Heshiisay Muranka Badda

    Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka heshiiyeen murankii badda ee u dhexeeyay labada dal. Mudane Mahdi ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu maanta baahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka heshiiyeen murankii badda ee u dhexeeyay labada dal. Mudane Mahdi ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu maanta baahiyay wageyska The Star ee dalka Kenya kaas oo dhigayay in Soomaliya iyo Kenya ay ku heshiyeen in si siman ay u qeybsadaan dakhliga kheyraadka biyaha lagu muransanyahay. "Warbaahinta ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska 50/50 waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan ka sugeynaa xukun cadaalad ah ICJ oo ku saabsan muranka baddeenna"ayuu yiri R/wasaare Guuleed. Wargeyska The Star ayaa intaa ku daray in uu xog ku helay in labada dal ay dhawaan ku kulmi doonaa Doha halkaas oo ay heshiis qalinka ku duugi doonaan. Waxa uu wargeysku sheegay in arrinta labada dhinac u kala dabqaadday dowladda Qadar oo heshiisyo shidaal qodis ah kula jirta shirkadaha sahmiya shidaalka qaarkood. Gal dacwadeedka badda Soomaaliya ayaa hor yaalla maxkamadda ICJ iyada oo haatan looga fadhiyo in ay ku dhawaaqdo xukunka rasmiga ah ee kiiskan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip