Qareenada u doodaya Mr Ruto ayaa sheegay in dambiga loo heysto uusan ku lug laheyn, iyadoo markhaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen, iyadoo ka laabtay hadalo ay horay u sheegeen.
Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada Fatou Bensouda ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah Madaxweyne kuxigeenka ka dhigeen mid daciif ah, hase yeeshee waxa ay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.
Sanadkii 2014 ayay aheyd markii dacwad oogaha Maxkamada ay meesha ka saartay eedeymo loo heystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.



0 



Maxkamadda ICC oo maanta go'aan ka gaareysa dacwada William Ruto
Maxkamada Caalamiga ee dambiyada dagalka ICC ayaa maanta lagu wadaa inay go'aan ka gaarto dacwada loo heysto Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto iyo wariye Joshua Arab Sang, kuwaasoo loo heysto eedo la xiriiraqalalaasihii dadka faraha badan