BBC waxay warqad cabasho ah ay xilligan u qortay Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo ku weydiisaneyso sababta Suxufiyiinteeda looga soo tarxiilay dalkaasi.
Wariye-yaashan, ayaa waxaa la sheegay inay dalkaasi u jooggeen sidii ay u soo tebin lahaayeen Doorashada Madaxtinimada Jabuuti.
Illaa iyo hadda waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Djibouti, oo ku aadan sababta ay Suxufiyiinta BBC uga tarxiishay dalkeeda.
Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa wuxuu markii afaraad uu u tartamayaa Madaxtinimada Jabuuti, waxayna dad badani saadaalinayaan in doorashadaasi uu ku soo bixi doono.



0 




Suxufiyiintii BBC oo laga tarxiilay dalka Jabuuti iyo BBC oo cabasho ka keentay
BBC World News, ayaa walaac xoogani ka muujisay Suxufiyiinteedii oo laga tarxiilay dalka Jabuuti, xilli ay doonayeen inay soo tebiyaan Doorashada Madaxtinimada Jabuuti.