Shariif Xasan "Puntland waan kala hadlay inaan la dhibaateyn dadka Koonfur ka soo jeeda ee Puntland ku nool"

0
Tuesday April 05, 2016 - 10:39:11 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan "Puntland waan kala hadlay inaan la dhibaateyn dadka Koonfur ka soo jeeda ee Puntland ku nool"

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu kala hadlay inaan la dhibaateyn dadka shacabka ah ee ku nool deeganada Puntland, kuwaasi oo ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu kala hadlay inaan la dhibaateyn dadka shacabka ah ee ku nool deeganada Puntland, kuwaasi oo ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaayay dhibaatooyinka kala duwan ee loo geysanayo dadka shacabka ah ee ka soo jeeda Koonfurta Somaliya, kuwaasi oo tacadiyo kala duwan kala kulmaayay Dadka reer Puntland.

Shariif Xasan wuxuu sheegay dhigiisa Puntland inuu kala hadlay arintaan, islamarkaana uu u balan qaaday in aanan la dhibaateyn Bulshada ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ee ku sugan Magaalooyinka Puntland.

"Madaxweynaha Puntland waan kala hadlay inaan la dhibateyn shacabka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya ee Puntland jooga, dadka Puntland jooga ee Reer Koonfureedka ah waxa ay noqdeen reer Puntland, sababtoo ah Dukaamo ayeey ku leeyihiin ganacsi waaweyn ayeey ku leeyihiin.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Khamiistii aan soo dhaafnay qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,Puntland waxa ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay ruux ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Hadalkaasi ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa wuxuu sababay dad careysan oo reer Gaalkacyo ah inay weeraraan goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee ka soo jeeda Koonfurta Somaliya, iyadoo taasi ay keentay dhibaato in la gaarsiiyo dadkaasi.

Inta badan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca deeganada Maamulka Puntland ayaa dusha waxaa loo saaraa dadka Koonfurta ka soo jeeda ee deeganadaasi ku nool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip