Daawo Sawirada: Ciidamada Amisom oo Dayactir ku sameynaya wadada Janaale

0
Tuesday April 05, 2016 - 10:37:25 in Wararka by
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Ciidamada Amisom oo Dayactir ku sameynaya wadada Janaale

    Sawiro ay soo bandhigeen ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa muujinaayay ciidamada oo ku guda jira dayactir ku aadan wadada xiriirisa Janaale iyo Deegaanka Buufow ee Gobolka Shabelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawiro ay soo bandhigeen ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa muujinaayay ciidamada oo ku guda jira dayactir ku aadan wadada xiriirisa Janaale iyo Deegaanka Buufow ee Gobolka Shabelaha hoose.

Ciidamada Amisom ayaa dayactirka wadadaan bilaabay, kadib markii wadooyin kale oo ay mari jireen ay noqdeen kuwa halis badan oo Miinooyin badan lagu duugay, taasina ay keentay in Amisom ay dayactir ku biloowdo wadadan.

Ciidamada Amisom oo ballaarinaya wadada ayaa waxa ay jareen dhir wadada hareeraheeda ku tiilay, iyaga oo adeegsanaya gaadiidka waaweyn ee cagaf cagafta loo yaqaan.

Xilli ay ku guda jireen dayactirka wadadaan ayaa waxa ay la kulmeen weerar culus oo kaga yimid dhanka ciidamada Shabaab, waxaana dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Garshiini oo ku dhaw deegaanka Janaale, Dabayaqaadii Isbuucii aan soo dhaafnay.

Ciidamada Amisom ayaa doonaya wado weyn oo si nabadgelyo ah ay ku maraan inay ka sameeyaan inta u dhaxeysa Buufow iyo Deegaanka Janaale ee Gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan waxa ay miinooyin ku aasaan wadooyinka ay maraan ciidamada Amisom ee howlgalka u jooga Somaliya.

Amisom 1Amisom 2Amisom 3Amisom 4Amisom 5Amisom 6Amisom 7Amisom 8Amisom 9Amisom 10Amisom 11Amisom 12





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip