Madaxweynaha oo soo dhoweeyay heshiiskii ay gaareen DFS iyo maamulka Puntland

0
Tuesday April 05, 2016 - 10:04:04 in Wararka by
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo soo dhoweeyay heshiiskii ay gaareen DFS iyo maamulka Puntland

    Muqdisho, April 4, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee ku aaddan q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, April 4, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee ku aaddan qaabka doorashada ee sannadka 2016-ka.

"Waxaan si diiran u soo dhoweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Soomaaliya ay sannadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Heshiiskaan waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ee ay ku xalisanayaan arrimahooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaarta ka jira Soomaaliya.

-----------DHAMMAAD------------


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A0740



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip