Milateriga Nigeria oo gacanta ku dhigtay Hogaamiyaha koox xiriir la leh Al-Qaacida

0
Monday April 04, 2016 - 10:03:29 in Wararka by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milateriga Nigeria oo gacanta ku dhigtay Hogaamiyaha koox xiriir la leh Al-Qaacida

    Milateriga Nigeria ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Hogaamiyaha Koox Islaami ah oo lagu magacaabo Ansaru Shareecah oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Hogaamiyaha Koox Islaami ah oo lagu magacaabo Ansaru Shareecah oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida.

Afhayeen u hadlay Milateriga Nigeria ayaa sheegay in Khalid al-Barnawi oo ah Hogaamiyaha Kooxda Ansaru lagu qabtay magaalada Lokoja ee caasimada gobolka bartamaha ee Kogi.

Mareykanka ayaa horay Ninkan ayaa waxaa madaxiisa u dul dhigay 5 milyan oo dollar, waxaana kooxdiisa ay caan ku aheyd afduubka ajaaniibta

Kooxdan ayaa fikir ahaan raacsan yihiin Kooxda Al-Qaacida ee waqooyiga Afrika, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dilalka tiro ka mid ah dad reer galbeed ah

Sanadkii 2012 ayaa waxay kooxdan weerartay xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaal Caasimada Nigeria ee Abuja, halkaasoo ay ku sii deysay tobaneeyo maxaabiis ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip