Meydadka laba qof oo aan la aqoonsan oo maanta lagu arkay bannaanka Jowhar

0
Tuesday March 30, 2021 - 20:07:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka laba qof oo aan la aqoonsan oo maanta lagu arkay bannaanka Jowhar

    Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in maanta duleedka magaalada lagu arkay laba qof oo meyd ah balse aan la aqoonsan wali. Meydadka labadaan qof ayaa laga helay inta u dhaxeysa deegaanada Raqayle i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in maanta duleedka magaalada lagu arkay laba qof oo meyd ah balse aan la aqoonsan wali. Meydadka labadaan qof ayaa laga helay inta u dhaxeysa deegaanada Raqayle iyo Bayaxow ee duleedka ka ah magaalada Jowhar, waxaana lagu soo warramayaa in lagu arkay dhaawac midiyo ah, taasoo argagax galisay dadka deegaanka. Saldhigga Booliska Jowhar ayaa la gaarsiiyay meydadka labada ah iyadoo aan la helin qof aqoonsata sida ay sheegeen masuuliyiinta degmada Jowhar. Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baaritaan arintaan la xiriira, waana arin ugub ku ah Jowhar iyo deegaanada hareeraha ka xiga, waxaana jira walaac ay qabaan dadka deegaanka oo arintaan aad uga naxay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip