
XOG:- Khilaaf soo kala dhex-galay Mucaaradka iyo Xisbiga UPD oo dagaal nooc cusub ah billaabay
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf culus uu soo kala dhex-galay musharaxiinta mucaaradka ee ugu cad-cad saaxada Siyaasadda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa si gaar ah ugu dhaxeeya Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Dagaalka ku wajahan C/raxmaan C/shakuur oo daaha gadaashiisa ay ka ba-binayaan siyaaaiyiin ka soo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa si weyn looga dareemayaa baraha Bulshada,iyada oo si daran loo weerarayo kooxda CC.Shakuur Warsame.
Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee Xisbiga UPD ay in mudda ah dagaal hoose ku wadeen xisbiga Wadajir,islamarkaana uu haatan toos u soo shaac baxay.
Markii ugu xumeyd ee weerarka iyo khilaafka lagu hayo Xisbiga Wadajir la dareemo waxa ay aheyd markii C/raxmaan C/shakuur uu raali-gelin ka bixiyay qoraal u qoray booqashada Wasiir Khadiijo Diiriye ee qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Sababta ugu weyn ee weerarku ugu socdo siyaasigaan ayaan la ogeyn,hase'ahaate waxaa sidaan oo kale kooxda Xisbiga UPD ay dagaal hoose ugu qaadeeb Xisbiga Hill qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dagaalkaan ayaa haddii uu sii socdo waxaa loo arkaa in ay fursad u noqon karto madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hoos u dhac uu ku imaan karo mucaaradka ku wajahan oo uu laf-dhabar u ahaa CC.shakuur Warsame.
XOG:- Khilaaf soo kala dhex-galay Mucaaradka iyo Xisbiga UPD oo dagaal nooc cusub ah billaabay
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf culus uu soo kala dhex-galay musharaxiinta mucaaradka ee ugu cad-cad saaxada Siyaasadda Soomaaliya. Dagaalka ayaa si gaar ah ugu dhaxeeya Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamu