BASHIIR RAAGE SHIIRAAR OO CODSI U DIRAY MADAXDA DALKA IYO MUSHARIXIINTA COD DHEERNA UGU DALBADAY M/ TURKIGA{WAREYSI}

0
Thursday February 25, 2021 - 10:25:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BASHIIR RAAGE SHIIRAAR OO CODSI U DIRAY MADAXDA DALKA IYO MUSHARIXIINTA COD DHEERNA UGU DALBADAY M/ TURKIGA{WAREYSI}

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Barnaamijka xog wareysi ee ka baxa radio kulmiye ee M/Muqdisho ayaa waxaa lagu wareystay Xalay ganacsadaha weyn ee soomaaliyeed oo sanad kii 2016-kii isu soo sharraxay xilka Madaxweynenimo ee Dalka Soomaaliya ayaa si aad ah ugu hadlay xaaladda shacabka M/Muqdishoay ku sugan yihiin xilligaan taasoo ah inla doonayo in dib loo celiyo ka dib daal badan iyo dhibaato badan oo ay soo mareen ka dib haatan wadanaha ay farta ugu hayaan in mar kale Qax iyo Dagaalay Wajahaan.

Haddaba waxaa taasi si aad ah ugu qeyla dhaamiyey Ganacsade Bashiir Raage oo Afka furtay in dalka iyo dadka mar kale ay galaan walaahoow iyo burbur hor leh wuxuuna ugu digay Siyaasyiinta Musharaxiinta ah iyo Madaxda Soomaaliyeed in danta dalka iyo dadka aan la dayicin ummaddana aan la dhibaateyn .

hadalladiisa waxaa ka mid ahaa:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Bismillaahi Raxmaani Raxiim,Bismillaahi,ilaaheyoow Abshirtada na waafaji Aamiin

Waxaan ka hadlayaa Xanuun aan la seexan waayey, oo beryahaan I hayey ayaan ka hadlayaa Caawa

haye oo ah?

Waa Xaalada Maanta ay mareyso oo ah in dad ku ay qarka u saran yihiin inay iska key Dilaan.

Haye Mana Aqbali karo Mana Aqbalaayo , taasina anigu ma Aqbali karo,Mana Aqbalaayo , haddiise Ilaaheey Idinkiis anoon Ciil qabin inaan sheegaan rabaa sida ay ila tahay oo Runta ah,

Waxaa jirta in 19-kii bishaan Mudaaharaad iyo wax la Abaabulay in Xabbado dhaceen in Dad ina dhaafay. Wixii laga soo gudbay haddana waxaa soo baxay Mudaaharaad kale inay 26-ka ayuu dhacaa la sheegaayo,

Marka Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaaliyeed u sheego Dadkooda dhanna aanOgeysiiyo Caalamkana inaan Ogeysiiyo

Su;aal:-Maxaad Ogesiineysaa Marka ?

Jawaab:- waxaan Ogeysiinaa waxa socdo oo dhan, wax sax ah ma aha ,in la is Dilo waxaa ku xigta in dhibaato dhacdo in dad dhinto,Dad dhaa wacmo in la qaxo oo uu Cago -Barar yimaado HoogMadoow oo dhan ayaa ku Xigto.

Qibrad dheeraan u leenahay waxaan rabaa in arrintaas dhulka la dhigo lana joojiyo ayuu yiri Bashiir Raage

Dhinaca kale ayuu misna yiri " Dadkaanu meel kala tegi maayaan ilaaheybaa isku uumay,wax badanaa la soo maray meeshey haatan joogto ayaa la keenay in Dadkaan walaalaha ah waa inaywada hadlaan ,waayoo waa walaalo oomeel kala tigi maayaan ,

Su’aal:- Marka Bashiir Raage Dadka Soomaaliyeedjahwareerbay ku juraaan oo Adigubaa hadda Qiraya Dadka Marrasta ah, ama shacabka ah oo Siyaasadda Dibadda ka joogga ka ah waxaay garan la’yihiin Cidda ay Masuuliyadda Dusha u Saarayaan oo haddii uu Qax dhaco haddii ay Dhimasho dhacdo, haddii Fowdo sidii Jimcihii hore dhacdo ,Cidda lagula Xisaabtamayo iyo cidda hadda wax ka qabaneyso Yaa Weeye?

Jawaab:-Arrintaas haddii ay dhacdo Cid ku Shar La ‘aaneyso Ma Jirto, Cid ku Denbi La’aan eysa Ma Jirto " Laakin Marka waxaan Rabnaa in DadkuOgaado haddii la is khilaafo in Miis Dushiis la soo wada Fariisto oo la wada hadlo " Annaga oo aanan isku halleynin dad aanwax inoo aheyn oo lagu leeyahay UN-ka war Annaga Shaqo kuma lihin UN. wax ay inoo yihiin ma jirto , Dalkaanu dhibaato badan buu soo maray

Su’aal:- Bashiir Raage waayo joog hore ayaad tahay oo Colna Yaqaanna Nabadna Yaqaanna, Magaalada an ayaad joogtaa, Marka Ma Waxaa ku la Habboon oo aad ku Talineysaa in Bannaanbaxa si Nabad Galyo ah uu ku Dhaco oo ay Dowladdu Oggolaato, Mise waxaad ku Talineysaa in Bannaanbayada la joojiyo oo Dowladda go’aankeeda ku Adkeysato, Taladaada Maxaa weeye Ujeedadaadu waa Maxay?

Jawaab:-Ujeeddada waxaay tahay Bannaanbaxaiyo Dowladdaba inaan Iraahdo waan Difaacaa 2 Badubama Taageerayo, waxaan taageeraa in Dadku Nabad Galo oo uu dhib La’aad noolaado Taasaan Taageeraa aniga , Fiiri Anigu Dowladda Difaac Uma ihi, Mucaaradka nimankaan Sheeganayana Difaac uma ihi .

Aan runta kuu sheegee Saamiley siyaasadeed haddii la yiraahdo anigu waxaan ahay Ninka ugu saamiga badan oo waddankaan wax uu ka qabtay Nin ka qabtay uusan jirin , laakiin waxaa horteyda ka muuqdo oo aan ka seexan waayey Dalkeyga ,waxa aan ka soo maray Shalay waxuuna Qarka u saran yahay Maanta inuu Bur-buro oo Beel Beel la isku Dilo wax ah ayaa horteyda soo fuushay oo ii muuqanayo,

Su’aal:- Waa runtaaye Dadka soomaaliyeed waxaay u baahan yihiin inay nabad dhacdo oo uusan dagaal dhicin oo labada dhinac is fahmaan, marka masuuliyadda adigaku saran ee Dadka Aqoon iyo waaya Arani mada leh la saaray waxaa weeye qofkii Qaldan inaad tiraahdo waad qaldan tahay Miyaadan Caddeyn Karin ,Yaa lala hadlaa baaq iyo hadal waa lagu daalaye ?

Jawaab:-waxaa la yiri Ilma Adeer Isma Indha Buuxshaan " Fiiri yaa Nimankaan oo walaalaheyna ah oo Mucaaradka Musharrixiinta iyo Nimmankaan wada Jooga 2duba dad aan wada dhalan waaye

ilma adeerradeyna ah oo mucaaradka musharrixiinta ah iyo nimmankaan hadda xukunka heysta waa dad aan ehel nahay, ma indha buuxin karno haddii aan runta u sheegno waxaa lagu leeyhay hebelow la jiraa iyo hebeloow la jiraa

Marka adduunyada meel aan u Cila dhaasanno ayaa jirta meeshaasaan u cila Dhaansaneynaa

Su’aal:-Xaggee weeye meeshaad u ciladhaamine ysaan?

Jawaab:- Meshaa inay wax ka qabato ayaana ku rajo wey nahay Jawaab:-waxaan u Qeyladhaansaneynaa annagoo ummadda soomaaliyeed ah oo dadka oo dhan oo shacabka ah oo ummaaddaan codkooda aan ku hadlayo ayaan leenahay walaalaheeyna Waa nimanka la yiraahdo Turkish.

Bahsiir Raage aya si xooggan afka u furtay isagoo leh Turkiga sida Un-ka ma aha Union ma aha,sida dowladaha waaweyn ma aha ,si dhab ah oo walaaltinimmo ah ay noo jecelyihiin oo ay wadnaha noogu hey staa,waa Nimmanki noo soo gurmaday markii Abaartu jirtay oo uu abaarbuna saarnaayeen..

”Ankara waxaa ka codsaneynaa oo aan u jeedineynaa umaddaan oo aan ilmaalahooda alle ka sow nahayinay Qattar ku jiraan isla markaasina 24saac oo tegay maba dhamma inay u soo gurmadaan oo ay soo gaar aan oo ay usha dhexda ka qabtaan .

Su’aal:-Mucaaradku turkiga waxay ku eedeeyeen inay dowladda la safteen adigu waad ogeyd in safiirka turkiga lagu eedeeyey in uu taageeray guddigii doorashada oo dooddu ka taagan tahay oo ayaan dhan lagu heystay ?.

Jawaab:-Haba ka yaabin haka yaabin in doc ka yeeraah Shuqul kuma lihi , Turkigu Cid uu la safan yahay ma jirto” ayuu yiri Md. Bashiir Raage wuxuuna intaa ku daray "Turkiga Wuxuu la safan yahay ummaddaan uuna u soo Gurmaday ee Abaartu Heysay.

Madxweyne Ordigan iyo Carruurtiisa inta yimaadeen ,Qaxootiga iyagoo Boorka ka tiraya carruurtii dhibaat eyneyd iyadoon cid inoo soo gurm ay aysan jirin markaas ka dib ayey kuwaan kale inagu soo yaaceen mana dooneyno, sidaas ayaan ugu qeyla dhaansaneynaa Turkiga oo aan leenahay waa dalkasi weyn inooga naxayo .

Su’aal:- Adiga walwalkaan ku heysta ma ku quseysaa dibadbaxyada kaliyaa mise si guud arrimaha doo rashaduna wuu ku jiraa?

Jawaab:-Muranka doorashada iyo waxaas wax cil mi ku dhisan ma aha muranka doorashada wax dhiba ma leh, waxaa la yiri Hashii Bil Qadday Beri kuma dari weydo , Doorshada wax wal-wal ah oo ay igu heyso ma jirto aniga ,laakiin waxaan ka soo horjeedaa in la is Dilo , oo ay xabbadu dhacdo la Dhaawacmo oo qof inaga Dhinto taas ayaan ka soo horjeedaa oo Cuqdo la isku qaado, iyo wax aan ka soo hor jeedaa wax ka sta oo xummaan ah oo dhiig ku daato ayaan ka soo horjeednaa, Waana in la joojiyaa isu goodinta awoodaan leeyaay iyo xoogaan leeyahay, waa in la joojiyaa isu awoodsheegashada iyo wax aan doonaan sameynayaa wax ay sameyneyso ma jirto intaasi in la is yir aahdo taasi waxaay ku soo dhammaneysaaEber Eber Eber{000}

Dadkuna waa dad walaal ah oo aan kala tageyn oo aan kala maarmin oo qof hadduu dhinto Qofkii dhinto oo Godka la Geeyo Qofka kale Tebi doono

Su’aal:-Maxaad codsaneysaa Bashiir ?

Jawaab:-Waxaan codsanayaa ninka mucaarad ah iyo nimanka hadda joogo xukunka waxaa la leeyahay wa qtigooda waa dhacay, waqti wuu dhici kar yaa haddii la is af garan waayo waxaan ugu baaqayaa inay heshiiyaanoo Coll lagu heshiiyo Ragg aa musharrixiinta ahna oo bannaabaxa soo abaabulayo inay cagta dhul u dhigaan , kuwaan ay qoryaha u afeysan yihiina ay cagta dhulka u dhigaan , waxaan u qeyshadayna inay inoo yimaadaan ay aan rajeyneynaa inuu Odigaan inoo yimaado ayaan Rajeyneynaa.

Su’aal:-Bashiir raage in la wada hadlo iyo in la heshiiyo gaal iyo muslinba way soo jeediyeen, wax natiijo ah na kama soo bixineadiga wax ka duwan ma heli kartaa?

Jawaab:-Ma I maqleysaa wallaahi Billaai Tallaali Gaal iyo Muslinba in aysan ka daaleyn wallaahi in aanan ka daaleynin baaq , ma yeleyno mana yeele yno , in cunug ama wiil ama qof soomaali ah ay xabbad ku dhimato mar danbe ma dooneyno mana dooneyno waxaana leenahay ma rabo, maantana u qeyshan meyno Yuru biyaan Union UN-ka waxaan u Qeyshaneynaa waa TURKISH Codkeyna waa dheer yahay waxaan u Qeyshan eynaa walaalkeenkii saan Ogeynay noo yeelay, waa Madaxweynaha Dalka Turkiga Md. Ordigan waxaan le enahay oo aan ka codanseynaa inay ANKRA inaga soo gaarto waxa socdo oo xumaantabadan leh ayuu si Murugo badaniay ka muuqato isagoo ciil ka qabo in shacabka dhibka ay wajahayaan ka xanuunsanayan in dhib kale lagu celiyo Cod dheer ugu Codsaday Dowladda Turiga,Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar

Su’aal:- Muxuu ka qaban karaa Turiga arrintaan?

Jawaab:-Wax badan buu ka qaban karaa oo run ta ayuu u sheegi karaa midkastaa2da dhinaca KAC ayuu dhihi karaa, muxuu wax ugu qaban waayey nin Aaminsan walaalnimada waaye, waa ninkii ciidamada inoo soo tababaray Dalkana wax badan ka qabtay , waa ninka nalooga soo geli waayey.

Su’aal:- Laakiin Ciidmada uu soo tababary waa kuwaan dabaabaadka wata oo Magaalada gaaf ware egaya?

Jawaab:-Wax yar oo qalad ah oo dhacay ma aha in wax laga soo qaado waa in la saxaa, laakiin anaga Turkiga cid aan dhaafsaneyno ma jirto waxaan leenahay hana soo gaaro God baan ku dhacnay oo aan ku sii Soconaaye Alle hana Baajiye naga soo gaar Walaalaheyna Turkiga ahow ayuu yiri Bashiir raage.

Su’aal:- Madadxweynaha xiligisa dhamaday Md. M.C/hi Farmaajo iyo R/wsaare Booble iyo madaxdii kale ee Dalka maxaad ugu baqeysaa?

Jawaab:- Aniga luuqaddaas ma rabo nooh, Farmaajo waa madaxweyihii xukumayey dalka 4ta sano Roob lena waa primomanestarkii walaalakeyna Xashan Sh.& sh.Shariif waa raggii hore dalka u soo xukumay had day ku guuleysanwaayeen waa inay dadkooda badbaadiyaan, Cod dheer ayaana ku leeyahay ummaddiina badbaadiya dalkina ha burbu rinina ayuu ku soo gabagabyey Warisga Bashiir Raage uu ugu hadlay xaaladda cakiran oo ku soo fool leh bulshda soomaaliyeed qaasatan kuwa Muqdisho oo wadnaha farta ku hayaan maalinta Jimcaha oo laga filan karo hadduusan caqligu shaqeyn in dhibaato lala damacsan yahay dano gaara ay ka leeyihiin masuuliyiinta iyo mucaaradka soomaaliya Alle hana Badbaadiyee. Bashiir Raage shiiraar ayuu kaasi oo ka hadlayey xaaladda murugsan ee dalka looga baqayo dagaal iyo barakac cusub ee ciidan oo ay marti geliso muqdisho haddii uusan imaan tanasul iyo is afgarad Wareysigaan ayuu Bixiyey 24.2.2021

DHAMMAAD




QEYBTAN HOOSE  WAA U GAAR 

RADIOKULMIYE.NET

Bar Xog Wareysi {24-02-2021}

Barnaamijka Xog Wareysi:-
Xigasho:-radiokulmiye.net

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip