Madaxweyne Lafta Gareen Oo Hambalyo U Diray Ciyaartooyda Koonfur Galbeed

0
Tuesday December 22, 2020 - 07:21:58 in Wararka by
  • Visits: 4857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Lafta Gareen Oo Hambalyo U Diray Ciyaartooyda Koonfur Galbeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambaliyo iyo Bogaadin udiray kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed oo Guul muhiim ah ka gaartay naadiga Jubbaland,iyagoo sanadkii sadexaad ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka

"Hambalyo Kooxda Kubada Cagta koonfur Galbeed oo ka guulaystay Ciyaartooyda Jubaland,Guusha aad gaarteen waa guul weyn oo aad soo hooyseen dhammaan Ummadda Koonfur Galbeed” ayuu bartiisafacebook ku soo daabaday MadaxweyneCabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).

"Ahmyideena ugu weyn ee aan lee nahay sanadkan waan in aan ku guulaysanaa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020,ciyaartooydan waxa ay matalyaan dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Koonfur GalbeedIbraahim Aadan Najax

"Lacgtan waxa ay billow u tahay horomarinta iyo kor u qaadida ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda Koonfur Galbeed,hadii aanu nahay Xildhibaanada heer Fedraal ee ka soo geed Koonfur Galbeed,way naga go’antahay horomarinta kooxdeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegayDaahir Cabdi Cabdullahi(Dr.Go)ooWasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamartaiyo Biyaha Soomaaliya

Si kstaba Kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa sanadkan ka duwan Sanadihii hore,Waxaana Xildhibaanada iyo Madaxda Koonfur Galbeed ay balan qaadeen in ay garab taaganyihiin guulaha kooxda.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Guushii Kooxda Koonfur Galbeed

Sidoo Aqriso Ciyaartooyda Oo Lagu Wareejiyay Dhaqaalo Lacageed

Ciyaartooyda Koonfur Galbeed Oo Lagu Wareejiyay Dhaqaalo Lacageed Oo Ka Timid Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip