
Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Towfiiq Iyo Garacad "SAWIRRO"
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku
tagay degmooyinka Towfiiq iyo Garacad ee gobolka Mudug.
Wafdiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka uu hogaaminayo
ayaa kala ah Xidlhibaan Cali Ameeriko oo ka tirsan Baarlamaanka
Federaalka,Wasiirudowlayaasha Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee
Puntland, ku simaha Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Saraakiil ka tirsan
Madaxtooyada Puntland.
Aroortii hore ee shalay waxa uu la kulmay macalimiinta iskuulka
Towfiiq oo uu ku wareejiyey lacag mushaaraadkooda ah,kadibna waxa uu
daawo ku wareejiyey isbitaalka degmada Towfiiq, kadibna waxa ay guda
galeen gurmad biyo dhaamin ah oo dadka degmada Towfiiq iyo deegaannada
ku dhow aad ugu baahi qabeen waxaana maamulka gobolka Mudug uu
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ku wareejiyey lacag ku talagal keedu
yahay in biyo la'aanta jirta dadka laga caawiyo taasi oo uu uga mahad
celiyey madaxweynaha Puntland,sidoo kalena waxa uu deeq raashiin ah ku
wareejiyey haweenka degmada si loo gaarsiiyo qoysaska tabaaleysan
taasi oo dadka degmada Towfiiq ay aad uga mahad celiyeen.
Ka hor inta aanay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdigiisa kasoo
ambabixin degmada Towfiiq waxa uu dhagax dhigay dhismaha saldhiga
booliiska degmada Toowfiiq kaasi oo si rasmi ah dhismihiisa loo
bilaabay dhinaca kalena waxa uu dadka degmada Toowfiiq iyo deegaannada
ku dhow dhow ugu bishaareeyey in dhowaan si rasmi ah Seddex todobaad
gudahood loo bilaabi doono qodista ceel biyood si looga gudbo baahida
biyo la'aanta ah.
Gelinkii dambe ee shalay wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka
Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla
Cawad waxa ay gaareen degmada Garacad ee gobolka Mudug ayagoo si gaar
ah u booqday dekedda magaaladaasi waxaana maalinnimada maantaoo talaado ah
hadii uu Alle idmo wafdiga ay ku wajahan yihiin magaalada taariikhiga
ee Jariiban.
----DHAMMAAD----
Leave a comment


0 



Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Towfiiq Iyo Garacad "SAWIRRO"
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay degmooyinka Towfiiq iyo Garacad ee gobolka Mudug.