
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA OKTOOBAR 2015-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boqortooyada Denmark uga mahad celiyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto tageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo La Taliyaha Madaxweynaha Dr Aweys Xaaji.
SOOMAALIYA OO KA QEYB GALEYSA SHIR LAGU CIRIB TIRAYO DABEESHA IYO CUDURRO KALE
Waxaa subaxnimadii isniinta dalka Kuwayt tagay wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed iyo wafti ay hogaamineyso si ay uga qeyb galaan shirka kala fadhiga 62aad ee Uru rka Caafimaadka Adduunka Qaybta Bariga Dhexe oo ka furmaya dalka
Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka mid ah La Taliya ha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdi Cawad iyo Dr. Cabdisamad Xasan Maxamed.
Hay’adda WHO ayaa sheegtay in shirkan ay ka qeyb qaadanayaan Wasiirada Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Bariga Mediterraneanka, Guddiyada Goboleedka WHO ee Bariga Mediterraneanka, Hay’ado kale iyo Xitaa bulshada rayidka ah.
Shirkan oo afar maalmood socon doona waxaa looga hadlayaa Cirib tirka dabeysha, Diyaar garowga, ka hortagga iyo Controlka cudurada aan faafin iyo in la helo Istaraatiijiyad goboleed ku saa bsan caafimaadka iyo deegaanka iyo guud ahaan istaraatiijiyadda Caafimaad ee 2014-2019.
TAARIIKH NOLOLEEDKA SAFIIRKA DENMARK EE SOOMAALIYA
Mette Knudsen waa 45 jir, waxaa ay dhalatay September 1970 iyadoo ka qalin jabisay Jaam acadda Aarhus Universitet oo ah Jaamacad Sumcad ku leh dalka Denmark ahna Jaamacadda labaad ee horeysay ee dalkaas laga hirgaliyo.
Mette Knudsen Waa sarkaal ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda ee Boqortooyada Denm ark, waxaa ay markii ugu horeysay shaqo bilowday 1992-dii iyagoo Madax looga dhigay Waax ka mid Waaxyada Wasaaradda arimaha dibadda.
1995-1998: Waxaa ay Xogheynta Koobaad ka noqotay Safaaradda Boqortooyada Denmark ee Dar el Salaam.
1998-2002: Mar kale ayey Madax ka noqotay Waax ka mid ah Waaxyada Wasaaradda arima ha dibadda ee boqortooyada Denmark.
2002-2004: Waxaa ay Safaaradda Denmark ee Lusaka ka noqotay Xogheynta Koobaad iyo Ku Xigeenka Madaxa Safaaradda.
2004-2007: Waxaa ay noqotay Safiirka Boqortooyada Denmark ee Adis Ababa.
2007-2012: Waxaa ay Wasaaradda Arimaha dibadda Denmark ka noqotay Madaxa Waaxda Arimaha Afrika.
2012-2015: Waxaa ay aheyd Safiirka Boqortooyada Denmark ee dalka Giriiga.
August 2015: Waxaa loo Magacaabay in isku qabato Safiirka Boqortooyada Denmark ee Wadamada Kenya, Soomaaliya, Eritrea iyo Jasiiradda Seychelles.
KULAN LOOGA HADLAY DAR DARGALINTA HOWLAHA DIB U EEGISTA DASTUURKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY
Kulan dib u eegis iyo dardar gelin loogu sameynayay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magalaada Muqdisho.
Kulanka shalay oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max'ed Sheikh Osmaan Jawaari ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddiga kormeerka arrimaha dastuurka ee u qaabilsan Baarlamaanka dalka, Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, wakiillo ka socday hey’addaha deeq bixiyaasha caalamka, iyo xubno ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.
Waxaana intii uu socday Kulanka la iska xog wareystay waxyaabihi ka qabsoomay arrimihii looga hadlay kulankii kan ka horeeyey ee qabsoomay bishii September ee sanadkani.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa isku dhaafsaday fikrada la xariira qaabka ugu wanaagsan ee dib u eegista dastuurka KMG ah loogu guuleysan karo waqtiga loogu talo galay, iyadoo ugu dambeyntiina la isku raacay in la dhiso Guddi howleed KMG ah oo ka kooban labada guddi ee ay qusayso Arrimaha dastuurka.
Kulanka markuu soo idlaaday ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Habdhowraha barlam aanka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar,isagoona sharxay muhiimada Kulanka shalay iyo Qodobadii ka soo baxay.
"Guddigaan shaqadiisu waxa ay tahay, waa guddi howleed fududeyn doona howlaha dib u eegista dastuurka oo loo kala qaaday sedex qeybood oo kala ah qeyb u baahan bedel, mid u baahan farsamo, iyo mid u baahan in laga wada hadlo arrimaha quseeya siyaasada, waxayna talooyin ka soo uruurin doonaan dhamaan qeybaha kale duwan ee bulshada, waxayna dib ugu soo celin doonaan kulankii shalay midka xiga” Ayuu Yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Dib u eegista dastuurka ayaa ah tiir ka mid ah hir galinta hiigsiga 2016-ka, waxaana loo qorsheeyey in lagu soo afmeero howlaha dib habeynta dastuurka sanadkani 2015-ka, islamarkaana afti dadweyne lagaliyo ugu dambeyn bisha March sanadka 2016-ka, kulankani shalay waa mid qabsooma 2-dii todobaadba mar.
MAAREEYE ” WAXAA JIRA MAGACYO MAGACYO LOOGA BEEN ABUURTO MADAXDA DOWLADDA OO LAGU ISTICMAALO BARAHA BULSHADA
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro magacyo looga been abuurto Madaxda dowladda oo lagu isticmaalo baraha bulshada, isagoo xusay in in lagu qal qal geliyo siyaasada dalka, dadka iyo dalkana lagu jahwareeriyo.
Isagoo ka hadlayay war qoraal ah oo la soo dhigay bar magaciisa lagu isticmaalayay ayuu ku tilmaamay in bartaas aanay aheyn tiisa saxda ah, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad dano kale leh oo magaciisa ku been abuuraya, dadkana qaldaya.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto shaqsiyaadka caadeystay inay baraha bulshada u isticmaalaan magacyada madaxda iyo mas’uuliyiinta, iyagoo ka been abuuraya hey’ad ama mas’uul xil haya sida uu yiri.
"Dowladdu uma dulqaadan doonto, in bulshada lagu marin habaabiyo cinwaanno aan sax ah ayn, isla markaana magacyada Madaxda loo adeegsado siyaabo qaldan, ciddii lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waa faqsan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in magaca dhabta ah ee uu ku isticmaalo bartiisa Facebook ee saxda ah uu yahay midkan , isagoo cinwaanada kale ee magaciisa lagu adeegsado ay yihiin kuwo been abuur ah.
Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa dhowaan sheegay inay jiraan shaqsiyaad ka been abuuranaya madaxda, isla markaana adeegsanaya magacyadooda, iyagoo ku qaldaya shacabka, waxaana ay tilmaamtay inay ku raadjoogto shaqsiyaadkaas.
QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADLAY XARIGA LOO GEYSTAY SUXUFIYIINTA KA TIRSAN TV-GA UNIVERSAL XARUNTIISA MAGAALADA MUQDISHO.
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha dalka Soomaaliya Amb.Nicholas Kay, ayaa wuxuu ka hadlay xariga loo geystay Suxufiyiinta ka tirsan Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Muqdisho.
Mr. Kay ayaa muujiyay walaac ku aadan Suxufiyiinta, isaga oo sheegay inuu aad uga xun yahay xarigaasi, wuxuuna ku baaqay in la hubiyo madaxbanaanida Saxaafadda Soomaaliya.
Amb.Nicholas Kay, oo Bartiisa Twitterka soo dhigay Qoraal kooban oo uu kaga hadlaayay xariga Suxufiyiintaasi loo geystay, ayaa wuxuu Dowladda Federalka Somaliya ugu baaqay in la sii da ayo Suxufiyiintaasi.
"Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay Saxaafad Xor ah ,marka la gaaro Sanadka 2016.″ Ayuu yiri Kay.
Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa habeenkii Jimcaha oo Sabtida ay soo galeysay xiray Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xersi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad.
Labadan Suxufi ayaa ilaa hadda waxa ay ku xiran yihiin xarunta Nabad Suggida ee Godka Jilic oow, mana aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen ee ku aadan in maxkamad la soo taago oo eedeym aha Dowladda ay u haysato lagu maxkamadeeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka carootay Barnaamij ka baxay Tv-ga Unive rsal oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka sheegeen halkaasi dalka inuu ku jiro gumaysi.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU GACAN SEYRTAY SOO JEEDIN KA TIMID QARAMADA MIDOOBAY, TAASI OO KU SAABSAN IN LA JOOJIYO HESHIISYADA KU SAABSAN SHIDAALKA DALKA SOOMAALIYA.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si cad ugu gacan seyrtay soo jeedin ka timid Qaram ada Midoobay, taasi oo ku saabsan in la joojiyo heshiisyada ku saabsan Shidaalka dalka Soomaal iya.
5 Bishii September ee sanadkan Dowladda Soomaaliya waxa ay heshiis cusub oo Shidaal ba aris ah la gashay Shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA. Heshiiskaas oo lagu sahminayo dhul bad eed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu Sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey).
Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay warbixin cusub oo ay soo saari rabto Koo xda Dabagalka Hubka ee Qaramada Midoobay Bartamaha Bishan ay ku celin doonto talo soo jeedin ay sameysay 2013-kii, taasi oo ku saabsan in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu mamnuucayo heshiisyada ku saabsan Shidaal Baarista Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay arinta ku saabsan Shidaal Baarista Soomaaliya inay tahay arin u taal Qaran Madaxbanaan.
"Wa arrin qaran madax bannaan u taal,” Ayuu yiri Wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan oo magaalada Nayroobi kula hadlayay Warfidiyeenno. "Ma soo dhowayn doonno go’aan gabi ahaanba dib loogu dhigayo howsha socoto.”
Shirkada Som Oil % Gas oo fadhigeeda uu yahay Magaalada London ee dalka UK oo horay heshiis ula gashay Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa ku socdo baaris ku aadan eedeymo loo soo jeediyay, taasioo ah musuq maasuq ay ku kacday.
Heshiiska Dowladda Soomaaliya ay la gashay Shirkada cusub Spectrum wuxuu dham eystirayaa xogtii laga aruuriyey 2014, dhulbadeed baaxaddiisu dhan tahay 20,000km. Sahankaan wuxuu suurtagelinayaa in si qoto dheer ah loo ogaado baaxadda shidaal ee badda Soomaaliya oo u dhow wadamada shidaalka laga helay ee Geeska Afrika.
WASAARADDA CAAFIMAADKA JUBBALAND OO TABABAR U FURTAY HAWEEN
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shalay tab abar la xiriira dhalmada haweenka u furtay 30 kamid ah haweenka ku dhaqan degmada Kismaayo.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka Jubbaland Mudane Caydiid Suleyb aan Xaashi iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa kasoo qeybgalay munaasbaddii tababarka loogu furayay haweenka.
Wasiir kuxigeenka caafimaadka Jubbaland ayaa kula dardaarmay haweenka loo furay tababa rka in ay ka faa'ideystaan casharrada kala duwan ee ay qaadan doonaan islamarkaana ay bulshada ugu faa'iideeyaan waxyaalaha ay bartaan.
Qaar ka mid ah haweenkii loo furay tababarka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin xirf adda caafimaad ee ay baranayaan taasoo ay ugu deeqday wasaaradda caafimaadka Jubbaland, waxa ayna sheegeen in marka ay dhameystaan tababarka ay wax badan ka badali doonaan dh-ibaa tooyinka heysta hooyada iyo dhallaanka.
MADAXWEEYNAHA JUBBALAND OO WADA TASHIYO KU AADAN DHAMEYSTIRKA MAAMULKA
Xilli wax ka yar 30 maalmood ay ka harsanyihiin mudadii baarlamanka Jubbaland ay ugu kor dhiyeen madaxweeynaha in uu kusoo dhiso madaxweeyne kuxigeenka iyo golihiisa wasiirada ayaa waxaa soconayo tashiyo kala duwan oo ku aadan dhismaha golaha wasiirada oo uu wado mada xweeynaha Jubbaland.
Madaxweeynaha ayaa xarunta madaxtooyada kulamo gooni gooni ah kula leh, salaadiinta iyo waxgaradka reer Jubbaland, kuwasoo uu kala tashanayo aragtidooda ku aadan dhismaha golaha wasiirada cusub ee laga sugayo.
Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa hadal heynta ku aadan dhismaha golaha wasii rada ee maamulka Jubbaland taasoo la filayo in madaxweeynaha Jubbaland uu dhawaan shaaciyo xubnaha kamid noqon doona golaha fulinta ee Jubbaland.
Baarlamanka Jubbaland ayaa madaxweeynaha mudo 60 maalmood oo dheeri ah ugu kordhi yay xilliga uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada, ayadoo mudadaasi ay ka harsantahay wax ka yar hal bil.
CIIDAMADA NABAD SUGGIDA OO GACANTA KU SOO DHIGAY HUB IYO RAG SHABAAB LAGU TUHMAY
Howlgal ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Muq disho, gaar ahaan deeganada KM-13 iyo Garasbaaleey, ayaa waxa ay ku soo qabteen hub iyo dad Shabaab ah oo la tuhmay.
Ciidamada Nabad Suggida ayaa howlgalkaan sameeyay xalay, waxaana ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta ammaanka deeganada KM-13 iyo Garasbaaleey oo ku yaallo Duleedka Magaalada Muqdisho.
Intii howlgalka ay wadeen ciidamada ayaa waxa ay soo qabteen dad ay ciidanka uga shakiye en inay Shabaab ka tirsan yihiin, inkastoo dadkaasi tiradooda aanan Saxaafadda loo soo bandhigin.
Sidoo kale Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya waxa ay gacanta ku soo dhigeen hub, sida laga sheegay Warbaahinta Dowladda, waxaana baaris ay ku socotaa dadkii howlgalka ciidamada ay ku soo qabteen.
Nabad Suggida Soomaaliya ayaa sameysa howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku xaqiijinay aan ammaanka Deeganada isku xira Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha biyaha, halkaasi oo tuhun badan laga qabo inay ku dhuumanayaan xubno Shabaab ka tirsan.
Saraakiisha Nabad Suggida ee howlgalkaan horkaceysay weli Saxaafadda faahfaahin kama aysan siinin inta dad ay ku soo qabteen.
Xabsiyada Dowladda ayaa waxaa ka buuxa dhalinyaro badan oo qaarkood tuhun Shabaabn imo u xiran, kuwaasi oo aanan helin maxkamad Cadaalad ah.
KHAATUMO: INAGAA KA DAMBEYNAY MAXAABIISTII KA BAXSADAY XABSIGA MAGAALADA LAASCAANOOD
Maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay maxaabiis ka baxsatay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii lasoo dhaafay, kuwaasoo la sheegay inay Buuhoodle u baxsadeen.
Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, C/lla Maxamuud Haybe ayaa sheegay in maa mulkiisu uu ka dambeeyay baxsashada maxaabista oo uu ku tilmaamay kuwo si sharcidarro ku xirnaa, sidoo kalena tilmaama inay iska kaashadeen baxsashada maxaabiistan qaar ka mid ah saraakiisha xabsigaas xukuma.
Sidoo kale, Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo ayaa intaas ku daray inay iska kaashadeen howshan dhallinyaro is xilqaantay oo ku sugan Laascaanood iyo xubno ka tirsan maamu lka Khaatumo; taasoo ay ku guulaysteen. Wuxuuna ku daray hadalkiisa inay xabadeeyay xabsiga taasoo ahayd mid lagu jahwareerinayay ciidanka Soomaaliland xiligaas maxaabiistani baxsanayeen.
Dhanka kale, Cismaan Maxamed Guuleed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliland ee saldhigga magaalada Laascaanood ayaa xusay inuu ka qayb qaatay fakinta maxaabistan oo qaark ood oo uu sheegay in si sharcidarro ah ay ugu xirnaayeen xabsiga.
Guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo oo ku sugnaa kulankaan lagu soo bandhigayay maxaabistii ka fakatay xabsiga Laascaanood ayaa tilmaamay inay maamulkiisu ku gudajiraan sidii ay u soo furan lahaayeen maxaabiis kale oo ku xiran magaalooyin dhawr ah kuwaasoo shacabkooda ka mid ah.
Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii 35 maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiga La ascaanood ay ka baxsadeen xili ay is rasaasani socotay; waxaana ku geeriyooday iska-horimaadkaas mid ka mid ahaa maxaabistii halka uu mid kalana ku dhaawacmay.
XIISAD U DHAXEYSA AL-SHABAAB IYO MALEESHIYOOYIN DEEGAANKA OO KA JIRTA KOOFURTA MUDUG
Wararka ka imaanaya deegaanada Bacaad-weyn iyo Camaara ayaa sheegaya in xiisad dag aal ay ka jirto, kadib markii maleeshiyooyin hubeysan is abaabulaya, isla markaana ka soo horjeeda Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaq ka wadaan deegaanka.
Al-Shabaab ayaa jimcihii la wareegay deegaanka Camaara ee koofurta Mudug, waxaana arri ntan ay baqdin gelisay dadka deegaanka oo ka cabsi qaba dagaalo ka dhaca deegaanada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug ay soo gaareen dee gaanka Bacaad weyn, waxaana ciidamadan doonayaan inay iska difaacaan Al-Shabaab.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa qorsheynaya inay weeraraan deegaanka Bacaad-weyn oo Al-Shabaab ay u jireen illaa 5-KM.
Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku hor fadhiyaan duleedka Bacaadweyn, waxaana deegaanadan oo caan ku ahaa soo noq noqshada dagaal beeleedyada ka bilowday bara kac ay sameynayaan dadka reer miyiga iyo kuwa xoolo dhaqatada.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya qeybo ka mid ah Gobolka Mudug, waxaana saldhig weyn ku leeyihiin degmada Xarardheere oo ah degmo istiraatiiji, lehna Xeeb.
WEBIGA SHABEELLE OO LAGA CABSI-QABO INUU KU FATAHO DEGMADA JOWHAR EE SHABEELLADA DHEXE
Waxaa soo baxaya cabsi weyn oo laga qabo in webiga shabeelle uu ku fataho degmada Jowh ar oo ah xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo ay ka socdaan dadaallo looga hortagayo fataha ad uu webigu ku sameeyo degmadaas.
Dadweynaha degmada oo garabsanaya maamulka gobalka ayaa Jowhar iyo deegaanada ku dhaw waxay ka biilaabeen inay dhigaan difacyo carrotuur ah, webigu aanu ugu soo fatahin magaa lada.
Wararka laga helay degmada Jowhar ayaa sheegaya in dagmada dadaallo badan oo looga ho rtagayo fatahaad uu sameeyo webiga shabeelle, iyadoo horay uu ugu fatahay webigu Jowhar iyo deegaanno kale oo fara badan.
Sidoo kale, inta badan webiga Shabeelle oo ka mid ah labada webi ee Soomaaliya mara ayaa wuxuu xilliyada ay biyihiisu bartaan ku fatahaa deegaannada uu maro, isagoo horay ugu fatahay deegaanno dhowr ah.
TURKIGA OO SHAACIYAY IN AY DIYAARADAHA DAGAALKA RUUSHKU KUSOO XAD-GUDBEEN HAWADA DALKEEDA
Dowladda Turkiga ayaa shalay oo Isniin ah sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ee du qeynta kawada dalka Siiriya ay ku soo xadgud been hawadeeda, ayna ku kicisay diyaaradaheeda dagaalka ee F-16-ka ah, kuwaas oo ku qasbay diyaaradihii Ruushka inay hawadooda dib uga saa-raan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu xusay inay si aad ah u cambaareynayaan xad-gudubkaas, ayna u yeereen danjiraha Raashiya u fadhiya Turkiga ayna ku wargeliyeen xadgudubka iyagoo uga digay in mar kale ay dhacdo.
"Safiirka Ruushka waxaan ku wargelinnay in mar dambe aanan u dulqaadan doonin xad-gudub noocan oo kale ah. Wixii ka yimaadana ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladiisa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadedka.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa la sheegay inay hawada dalka Turkiga ka soo galeen dhinaca gobolka Yay ladagi oo ku yaalla Koonfurta waddanka Turkiga, sida laga soo xigtay wasaara dda arrimaha dibadda Turkiga.
"Maalintii Sabtida ahayd ayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka ku qasabeen inay dib ugu laa btaan gudaha dalka Siiriya, ka dib markii lagu kiciyay diyaaradaha F-16-ka ee Turkiga, kuwaasoo ilaalo ka hayay hawada Turkiga,” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka wasaaradda.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Feridun Sinirl ioglu uu ugu yeeray dhiggiisa dalka Ruushka Sergei Lavrov inuu yimaado magaalada Ankara si ay uga hadlaan arrintan.
Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale xad-gudubkan kala hadlaysaa dalalka ay kuwada jiraan ururka NATO, kuwaasoo uu ku jiro hoggaamiyaha NATO, Jens Stoltenberg, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Ruushka iyo Turkiga ayaa muddo sannado ah ku kala aragti duwanaa colaadaha ka taagan dalka Suuriya, iyadoo Ruushku ay taageereen madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad, halka Turki ga iyo dalalka xulufada la ah ay kasoo horjeedaan in Suuriya uu sii hoggaamiyo madaxweyne Al-Assad.
Inkastoo dowladda Moscow ay sheegtay inay sii wadayso duqeymaha ay dalka Suuriya ka gey sanayso ayaa haddana madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogaon oo ka hadlayay darraad dalka Faransiiska wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushku ku hayo Suuriya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.
Ugu dambeyn, Erdogan ayaa uga digay dalka Ruushku inay dhibaatooyin cawaaqibxun ka geystaan gudaha Suuriya, iyadoo madaxweynaha Suuriya uu sheegay inuu si aad ah u soo dhawe ynayo duqeymaha uu Ruushku kawado dalkiisa.
TURKIGA OO KA HORTAGTAY DIYAARADAHA DAGAALKA RUUSHKA OO KU SOO XADGUDBTAY HAWADA TURKIGA
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka hortagtay diyaaradaha dagaalka Ruushka oo ku soo xad gudbtay hawada dalkooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradaha Turkishka ee F-16 ay aa ka hortagay diyaaradaha dagaalka Ruushka, markii ay soo galeen hawada Turkiga, waxaana ay dib ugu noqdeen dhanka Hawada Turkiga
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa arrintan kala hadashay dhigeeda Ruushka iyo Wasiirada dowladaha Nato xubnaha ka ah.
Ruushka ayaa duqeymo ka waday gudaha Suuriya, kaasoo uu ku taageerayo Madaxweyne Basha Al-assad.
Safiirka Ruushka u fadhiya Ankara ayaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, si wax looga weydiiyo arrinta diyaaradaha Ruushka ee ku soo xadgudbay hawada Ruushka.
Afhayeenka Aqalka Kremlin oo ku sugan Moscow ayaa wali xaqiijin arrintan, hase ahaatee waxaa uu xusay in Safiirkooda ku sugan Ankara ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga
Ruushka oo bilaabay ololihiisa duqeyn ee Suuriya maalintii Arbacadii ayaa waxaa lagu eed eeyay inuu duqeynayo kooxaha mucaaradka ee ay qaarkood taageeraan reer galbeedka, bedelkii uu ka duqeyn lahaa dowladda Islaamiga.
XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAN DULEEDKA MAGAALADA KISMAAYO
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo duleedkeeda, ayaa sheegaya inay halkaasi ka tagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidamada Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).
Dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo xiisada ayaa laga dareemayaa deeganada Goobweyn iyo Sabca Asharaaf oo ku yaallo duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana dhaqdhaqaaqan wada ciidamada Barre Hiiraale.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaya inaysan dagaal hureyn, maadaama sida uu sheegay dadkii ehelka ay ahaayeen lagu laynayo magaalada Kismaayo gudaheeda.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo C/rashiid Macalin Gaas ayaa ciidamada Jubbaland ku eed eyay inay dadka shacabka ku laynayaan Magaalada Kismaayo gudaheeda, sidoo kalena aysan jirin cid ka celinaysa.
"Nin Gurigiisii iyo Ubadkiisii la heysto wax uu dhowrto in ay jiraan uma maleyn maayo, annaga waxaa nagu waajibay Dagaal maxaa yeelay Ilmaheenii iyo Waaliddiinteenba waa la dilayaa, Baarlam aankii dalka ayaa Sharci ahaanshihiisa diiday Baarlamaanka doortay Axmed Madoobe, wax Sharci ahna kama jiraan halkaas, Dowladda Federalkana hadda wixii ka dambeeya waxaan u arkaa in aysan iska war heyn illeyn madaxdii qaarna waa Caleema Saareen Axmed Madoobe kuwana waa Ba arlamaankii diiday.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.
Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah kaga soo horjeeda Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, ayaa horay ugu wada dagaalamay gudaha Magaalada Kis maayo, inkastoo Dowladda Soomaaliya labadaasi dhinac heshiis ay kala dhex dhigtay, hadana he shiiskaasi waxa uu noqday mid aanan dhaqangelin.
MUWAADIN YEMENI AHAA OO SHALAY ISKU GUBAY XARUNTA UNHCR KU LEE DAHAY MAGAALADA HARGEYSA
Mid ka mid ah muwaadiniinta dalka Yemen ee u soo cararay Soomaaliland, ka gadaal markii dalkoodu uu ka bilowday dagaalada sokeeye, ayaa shalay isku gubay afaafka hore ee Xarunta Hay ’adda UNHCR ku lee dahay Magaalada Hargeysa.
Ninkan oo aan magaciisa la sheegin, ayaa waxaa la sheegay inuu ka carooday darxumo ku haysatay Magaalada Hargeysa, isagoona aan taageero sax ah ka helin Hay’adda Qaramada Mido obe u qaabilsan arrimaha qaxootiga.
Goobjoogayaal, ayaa sheegay in ninkaasi uu muddo badan ku soo laab laabtay Xarunta UN HCR, laakiin aanu ka helin taageero rasmi ah, taasoo ugu dambeen keentay in dab uu is qabadsiiyo.
Isagoo ku dhaawacmay dabkaasi, ayaa waxaa loo qaaday oo lagula cararay goobaha caafim aadka, si wax loogaga qabto xaaladiisa caafimadeed.
Waa dhacdadii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacdo Somaliland, tan iyo markii ay dagaalada Yemen bilowdeen daba yaaqadii bishii March ee sanadkan.
Soomaaliland waxaa soo gaaray dhowr kun oo Yemeniyiin ah, kuwaa oo qaxooti ku ah Maga alada Hargeysa, iyadoo qaarood ay ganacsiyo ka abuurteen Magaalada.
SHIINAHA OO MALAAYIIN DOLLAR KU TAAGEERAYA HOWLGALKA AMISOM
Dowladda China ayaa sheegtay in lacag dhan 100 Million oo dollar ay ugu deeqeyso Howlg alka Nabad Ilaalinta ee AMISOM kaas oo Ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.
China ayaa dhanka kale sheegay in wadamada dhaca Geeska Afrika ay ka caawinayaan in ay sameystaan Ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya xaqiijinta Nabad Gelyadooda sida la dagaalanka Ururka Al Shabaab.
Cadada Ciidamada la dhusayo ayaa Shiinuhu sheegay in ay dhan yihiin 8000 oo Askari kuw aas oo ay tilmaamtay in si weyn loo qalabeyn doono.
Ciidamada la dhisayo ayaa la tilmaamay in ay kaalin ka geysaneyso dowladda Maraykanka waxaana ka mid ah Muhiimadahooda sidii ay uga hortagi lahaayeen Ka ganacsiga iyo dhoofinta Faanta Maroodiga.
XOOGAGA SHABAAB OO WEERAR CULUS KU QAADAY DEGMADA BAARDHEERE
Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay maamulaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Shabaab ayaa weerarkaan u adeegsaday hub kala duwan, gaar ahaan hubka garbaha laga gano iyo sidoo kale madaafiic ay ku garaceen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere.
Wararka waxa ay sheegayaan shacabka Degmada Baardheere inay maqlayeen xalay dha waqa rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Shabaabka ah ee weera rka ku soo qaaday Garoonka diyaaradaha Baardheere iyo fariisin ciidamada ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Degmada Baar-dheere Cadoow Nuur Xasan, ayaa sheegay in dagaalkasi dhankooda uusan wax khasaaro ka soo gaarin oo ay iska caabiyeen Xoogagii ka tirsanaa Shab-aabka ee weerarka ku soo qaaday Magaalada Baardheere.
Si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii Shabaabka ay ku soo qaadeen Magaalada Baardheere, inkastoo Shabaabka ay sheegayaan inay guulo ka gaareen.
Magaalada Baardheere oo ah Magaalo sideed sano kadib ka baxday gacanta Shabaab, ayaa Shabaabka mar waliba waxa ay isku dayaan inay carqaladeeyaan ammaanka Magaaladaasi.
Ciidamada Shabaab ee Gobolada ku sugan, ayaa shaqo ka dhigta habeen waliba inay weera raan meel ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO NAIROBI KULA KULMAY SAFIIRKA SWITZERLAND EE SOOMAALIYA
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey sa far shaqo ujooga dalka Kenya gaar ahaan Caasimadda dalkaasi ee Nayroobi ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatay Madax katirsan beesha caalamka .
Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Switzerland ee Soom aaliya, Ambassador Langen bacher ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya laba dhinac , iyagoona isla meel dhigay in la xoojiyo xiriirka dhinac kastana layska kaashado.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo xiriira dalkaasi Kenya kula qaadanaya Madax katirsan beesha caalamka oo ay uga wada hadlayaan xaaladda guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya beesha caalamka iyo Dawladda Puntland.
Dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynuhu waxaa uu u soo bandhigay horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland iyo Nabad gelyada kajirta, taasoo u baahan in la sii xoojiyo si looga mira dhaliya
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA OKTOOBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHALAY MADAXTOOYADA KU QAABILAY MSS. METTE KNUDSEN.. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho warqadihii Aqoonsiga kaga guddo