
Heshiiskii Nabadeed ee Armenia iyo Azerbaijan oo burburay
Saraakiisha Armenia iyo Azerbaijan ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jebiyay heshiis nabadeed oo soo afjaray lix toddobaad oo dagaal qaraar uu ka socday gobolka Nagorno-Karabakh.
Wasaaradda difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in afar ka mid ah miliatariga dakaasi lagu dilay weerar lagu soo qaaday cutub ku sugnaa gobolka Nagorno-Karabakh.
Armenia ayaa iyaduna sheegtay in lix ka mid ah ciidamadeeda lagu dhaawacay wax ay ku sheegtay weerar kaga yimid millatariga Azerbaijan.
Madaxda Azerbaijan iyo Armenia ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu dagaalka billaabay, madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ku hanjabay in uu burburin doono Armenia.
Warbixinnada la xiriira dagaallada soo cusboonaaday ayaa imanaya wax ka yar bil ka dib markii la saxiixay, heshiis nabadeed oo ay Russia garwadeen ka aheyd, kaasi oo u ogolaaday in Azerbaijan ay dib ula soo wareegto gacan ku haynta dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Nagorno-Karabakh iyo hariirihiisa oo ay kula dagaalameysay Armenia. .
Heshiiskii Nabadeed ee Armenia iyo Azerbaijan oo burburay
Saraakiisha Armenia iyo Azerbaijan ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jebiyay heshiis nabadeed oo soo afjaray lix toddobaad oo dagaal qaraar uu ka socday gobolka Nagorno-Karabakh. Wasaaradda difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in afar ka mid