Xoogaga Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Baardheere

0
Monday October 05, 2015 - 12:53:04 in Wararka by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degmada Baardheere

    Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay maamulaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya. Shabaab ayaa weerarkaan u adeegsaday hub kala duwan, gaar ahaan hubka garbaha laga gano iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay maamulaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya. Shabaab ayaa weerarkaan u adeegsaday hub kala duwan, gaar ahaan hubka garbaha laga gano iyo sidoo kale madaafiic ay ku garaceen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere. Wararka waxa ay sheegayaan shacabka Degmada Baardheere inay maqlayeen xalay dhawaqa rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Shabaabka ah ee weerarka ku soo qaaday Garoonka diyaaradaha Baardheere iyo fariisin ciidamada ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baardheere Iiman Cadoow, ayaa sheegay in dagaalkasi dhankooda uusan wax khasaaro ka soo gaarin oo ay iska caabiyeen Xoogagii ka tirsanaa Shabaabka ee weerarka ku soo qaaday Magaalada Baardheere.

Si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii Shabaabka ay ku soo qaadeen Magaalada Baardheere, inkastoo Shabaabka ay sheegayaan inay guulo ka gaareen.

Magaalada Baardheere oo ah Magaalo sideed sano kadib ka baxday gacanta Shabaab, ayaa Shabaabka mar waliba waxa ay isku dayaan inay carqaladeeyaan ammaanka Magaaladaasi.

Ciidamada Shabaab ee Gobolada ku sugan, ayaa shaqo ka dhigta habeen waliba inay weeraraan meel ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip