Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka South Afrika

0
Sunday October 04, 2015 - 11:42:47 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka South Afrika

    Dableey hubaysan oo Burcad South Afrikan ah ayaa weeraray goob ganacsi oo uu lahaa ganacsade Somaliyed oo ku taallo Tuulooyinka Gobolka North West ee dalkaasi South Afrika. Burcada South Afrikaanka oo isku dayaysay inay dhacdo goobta ganacsiga ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dableey hubaysan oo Burcad South Afrikan ah ayaa weeraray goob ganacsi oo uu lahaa ganacsade Somaliyed oo ku taallo Tuulooyinka Gobolka North West ee dalkaasi South Afrika. Burcada South Afrikaanka oo isku dayaysay inay dhacdo goobta ganacsiga ee uu lahaa muwaadinkaasi Somaliyed, ayaa waxa ay toogteen ganacsidihii Somaliyed ee mehradaasi ganacsiga ku lahaa. Muwaadinkaan Somaliga ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Axmed Salaad, wuxuuna ka mid ahaa dadka ganacsatada ah ee Somalida ka shaqeysta dalka South Afrika.

Muwaadinkaan Somaliyed ayaa lagu dilay tuulooyin hoostagga Gobolka North West ee dalka Koonfur Afrika, waxaana goobtaasi ka baxsaday Burcadii South Afrikanka aheyd ee falkaasi dilka ah fulisay.

Booliska dalka South Afrika ayaanan inta badan ahmiyad siinin sidii ay wax uga qaban lahaayeen kiisaska la xiriira dilalka qorsheysan ee loo geysto Ganacsatada Somaliyed ee dalkaasi lagu dilo.

Horay waxaa dalka South Afrika dhibaatooyin kala duwan loogu geystay dad Somaliyed oo qaarkood si xun loo dilay, ilaa hada Dowladda South Afrika arintaan waxba kama aysan qaban.

Jaaliyada Somaliyed ee dalka South Afrika ayaa ku tilmaamtay dilalka loo geysanaayo ganacsatada Somaliyed ee dalka South Afrika kuwa u baahan Dowladda inay wax ka qabato si meesha looga saaro dhibaatooyinka Bulshada Somalida loo gaysto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip