Dayax Gacmeed Dalxiisayaal Dayaxa u Qaadi Doona oo la Tijaabiyay

0
Wednesday October 14, 2020 - 16:37:15 in Wararka by
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayax Gacmeed Dalxiisayaal Dayaxa u Qaadi Doona oo la Tijaabiyay

    Dayax gacmeed ay farsameeysay shirkadda hawada sare ee uu leeyahay aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa loo naqshadeeyey in uu noqdo midka sanadka 2024-ka dad dalxiisayaal ah u qaadi doona dayaxa. Dayax gacmeedka ayaa lagu rakkibay Koombiyuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayax gacmeed ay farsameeysay shirkadda hawada sare ee uu leeyahay aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa loo naqshadeeyey in uu noqdo midka sanadka 2024-ka dad dalxiisayaal ah u qaadi doona dayaxa. Dayax gacmeedka ayaa lagu rakkibay Koombiyuutar, iyo barnaamij dayax gacmeedka ka caawinaya degitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee uu ku sameynayo marka uu hawada sare gaaro. Tijaabada dayax-gacmeedka Talaadada la ganay ayaa noqonaya gantaalkii toddobaad oo Blue Origin ay sameysay ee New Shephered, taasoo ujeedkiisu yahay dhawaan inuu dalxiisayaal u qaado dayaxa. Dayax-gacmeedkan wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rakaab uu dhulka ka qaaday uu geeyo masaafo dhulka ka sarreyso 100 km ama 60 mile. Shirkadda dayax gacmeedkaasi hawada sare u dirtayna waxay sheegtay in uu yahay kii ugu weynaa ee ay diraan. Dayax-gacmeedka iyo gantaalka sida marka ay kala baxaan mashiinta dayax-gacmeedka wuxuu awood u leeyahay inuu keligii dhulka ku soo laabto. Waxaa Dayax-gacmeedkana hagaya koombiyuutar dhammeystiran oo ku shaqeynaya nidaamka algorithms amarradana waxaa fulinaya Koombiyuutarka ku rakkiban. Ujeeddada ugu weyn ee New Shepherd loo dirayna waxaa lagu sheegay in lagu ogaanayo laba mashiin oo uu miisaankooda culus yahay sida ay u wada shaqeynayaan. Gantaalka siday dayax-gacmeedka New Sheppard uu dhirirkiisu yahay 18 mitir waxaa hawada sare loo diray Talaadadi wuxuuna gaaray masaafo dhulka ka sarreeyso 105 kiilo mitir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip