
Dowladda Somaliya oo sheegtay arimo Siyaasadeed ciidanka Amisom inay uga baxeen deegaano Sh.hoose ka tirsan
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay arinta ciidanka Amisom uga soo baxeen Shabeellaha hoose inay tahay arimo Siyaasadeed oo halkaasi ka taagan, balse Dowladda Somaliya ay ku guda jirto sidii ay u xalin laheyd arimahaasi si ciidamada ay dib ugu noqdaan.
"Shabeellaha hoose arinteeda hadaan ka hadlo dadka Shabaabka waxa ay mar waliba ka faa’ideysanayaan caqabado jira iyo waxyaabo la isku haayo, arimo Siyaasadeed oo la isku haayo ayeey ka faa’ideysteen, hadana waxaan ku jirnaa wax waliba oo Siyaasad ah inaan xalino, Shabaab adkaanshaha hada laga adkaaday ma’ahan in arimo Militeri looga adkaaday waxaa looga adkaaday fekerkan inuusan aheyn mid meel gaarsiisan oo shacabka Somaliyed ay fahmeen inuusan fekerkaan aheyn mid sax ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA
"Waxaan rajeynayaa waxa ka jira Shabeellaha hoose iyo Gobolada kale ee gacanta ay kula jiraan Shabaabka in si siyaasadeysan loo xaliyo, iyagana runtii caruurtaan madaxa laga qabsaday inaan soo celino, dagaalka aan ku jirno ma’ahan mid qori ee waa dagaal feker.” Ayuu warkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tilmaamay Shabaab dagaalka ay kula jiraan inuusan aheyn kaliya mid ku aadan arimo ciidan, balse dagaalka uu qayb ka yahay feker qaldan oo lagu qalday dhalinyarada Shabaab u dagaalanta oo uu ku tilmaamay kuwa maskaxda si qaldan looga bedelay.
Al Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, oo ay ka mid tahay Janaale iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha hoose.
XIGASHO:- DHACDO.COM
Dowladda Somaliya oo sheegtay arimo Siyaasadeed ciidanka Amisom inay uga baxeen deegaano Sh.hoose ka tirsan
Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay ciidanka Amisom inay arimo Siyaasadeed oo ka taagan Gobolka Shabeellaha hoose ay uga soo baxeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose. Ciidanka Amisom waxa ay ban