
Baarlamaanka Itoobiya oo go'aamiyay qabashada doorashooyinka guud ee dalkaasi
Baarlamaanka Itoobiya ayaa meelmariyay qaraar oggolaanaya in doorashada guud ee dalka ee dib loo dhigay lagu qabto sanad gudihiis.
Sanadka cusub ee Taariikhda Itoobiya ayaa curtay 11-kii bishaan Sebteembar, sidaa darteed doorashada guud ee dalka Itoobiya waxaa la qaban doonaa ka hor bisha Sebteembar ee sanadka soo socda.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya, kulan aan caadi aheyn oo ay shalay yeesheen Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu meel mariyay qaraarkan. Hal xildhibaan ayaa diiday go'aanka, halka sideed xildhibaan ay ka aamuseen codbixinta.
Ismaamulka Waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa hore u qabtay doorashooyinka heer gobol, tallaabadaas oo ay dowladda federaalka Itoobiya ku tilmaantay mid baadil ah oo aanay waxba ka jirin.
Xisbiga TPLF ayaa ku guuleystay in ka badan 98% codadkii laga dhiibatay doorashadii ka dhacday Gobolka Tigray.
Hoggaamiyaha Ismaamulka Tigray Bebretsion Gebremichael ayaa doorashadii Gobolka Tigray ku tilmaamay mid taariikhi ah oo go'aamin doonta masiirka gobolka.
Gebremechael ayaa sheegay in Ismaamulka Tigray ay xisillooni badan ka jirto kadib markii ay u istaageen qabashada doorashooyinka heer Gobol.
Meelmarinta Baarlamaanka ee qaraarkan ku aaddan doorahsooyinka ayaa ka dhigan in doorashooyinka guud la qaban iyada oo la raaciyo tilmaamaha looga hortagayo cudurka Koroona Feyris ee ay dejisay wasaaraha caafimaadka.
Guddiga Doorashooyinka Dalka ayaa la filayaa in ay ku dhowaaqaan xilliga rasmiga ah ee ay bilaaban doonta doorashada. .
Baarlamaanka Itoobiya oo go'aamiyay qabashada doorashooyinka guud ee dalkaasi
Baarlamaanka Itoobiya ayaa meelmariyay qaraar oggolaanaya in doorashada guud ee dalka ee dib loo dhigay lagu qabto sanad gudihiis. Sanadka cusub ee Taariikhda Itoobiya ayaa curtay 11-kii bishaan Sebteembar, sidaa darteed doorashada guud ee dalka Ito