Cumar Cali Maxamuud "Shaqo Adag Ayaan Qabanaa"

1
Sunday September 20, 2020 - 17:39:46 in Wararka by
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cali Maxamuud "Shaqo Adag Ayaan Qabanaa"

    Dalka Uganda waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga arrimo kala duwan,balse waxaa jira dhallinyaro badan oo u istaagay in ay qeyb ka qaateen isku keenista bulshada ,iyagoo Uganda ka aas aasay koox urur ah oo ka shaqeeya arrimaha is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Uganda waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga arrimo kala duwan,balse waxaa jira dhallinyaro badan oo u istaagay in ay qeyb ka qaateen isku keenista bulshada ,iyagoo Uganda ka aas aasay koox urur ah oo ka shaqeeya arrimaha isboortiga iyo is dhaxgalka ciyaaraha.

"Ururkan waxaa loo aas aasay mudo sanad ah waxaana loo hergeliyay,in uu ka shaqeeyo isku keenista bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda iyo in ay ka muuqdaan ururada isboortiga ee ka dhisan Kampala” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cumar Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha Ururka isboortiga Wadanka Uganda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Uganda waa mid aad u wanaagsan waxaana kooxaha ka dhisan Muqdisho u ciyaara xidigo badan oo ka soo jeeda Uganda,wuxuuna guddoomiye Cumar sheegay in arin tahay guul weyn.

"Xiriirka dhanka ciyaaraha ee labada dal waa mid bilaaw ah,waxaana rabnaa in la arko tiro badan oo dhallinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo u ciyaara kooxaha ka dhisan Uganda,sida hadaba ay sameeyeen kooxaheena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Cumar Cali Maxamuud.

Xiriirka Kubbadda Cagta Wadanka Uganda ee loo yaqaano "FUFA” waa mid ka mid ah kuwa ugu horomarsan dhinaca Qaarada Afrika,waxaana talabadaan falanqeeyaasha ay ku sheegeyn in Dowladdu ay lacago fara badan ku bixiso horomarka iyo tayeenta kooxaha & xulalka kala duwan ee Uganda” ayuu Goobjoog markale u sheegay Guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Uganda Cumar Cali Maxamuud.


Mr.Cumar waxa uu sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan ay la lee yihiin Xiriirka Kubbadda Cagta Uganda,taasna ay horomar u tahay iyaga,maadaama mustaqbalka ay doonayaan in wixii ay ka faa’ideestaan in ay ku biiriyaan ha’yadaha kala duwan ee isboortiga Soomaaliya iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Dalka.

"Waxaan ka qeyb galaan

tababaro kala duwan oo loo qabto Ururada isboortiga ee ka dhisan Uganda,waxaan runtii ka faa’idnay macluumaad tiro badan oo la xariirta sharciyada iyo horomarka wuxuuna Xiriirkeena yahay mid joogta” ayuu Goobjoog u sheegay Mr.Cumar Cali.


Ugu danbeyntii Guddoomiye Cumar iyo saaxiibadiisa waxa ay fariin u direyn maxada Dowladda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,waxayna ku taliyeen in dhaqaalo la geliyo ciyaartooyda matalaysa dalka.


"Hadii aan rabno in aan gaarno heerka Uganda waan in Dowladda iyo Xiriirka ay waqti iyo maal ku bixiyaan tayeenta Xulalka kala duwan Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo xeray guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Dalka Uganda Mr.Cumar Cali Maxamuud.




Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Xaalada Guud Ee Isboortiga Uganda

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip