
XOG: Kheyre oo ku biiray siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh Imaaraadka & Qorshaha uu damacsan yahay
Ra'iisal wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre ayaa ku biiray siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mr. Kheyre ayaa la sheegay inuu hore xiriir hoose ula lahaa Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo iyagana xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Imaaraadka Carabta, waxaana siyaasiyiinta la ogaaday inuu xiriir hoose kala dhaxeeyay Xasan Cali Kheyre ka mid ah Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ah ninka ugu sareeya siyaasiyiinta Imaaraadku maalgeliyo ee la doonayo in lagu bedelo dowladda hadda jirta.
Sida aan xog hoose ku helnay, Ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo 25-kii july xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa inuu safar ku tego isku taga Imaaraadka, halkaas oo uu kula soo kulmayo madaxda ugu sareysa dalkaas, waxayna Dubai dooneysaa iney xoojiso galaangalkeeda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegeysa in Mudane Xasan Cali Kheyre ay madaxda sare ee dowladda xilli danbe ogaadeen xiriirka qarsoodiga ah ee kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta, taasoo qeyb ka ahayd sababihii xilka looga qaaday, wuxuuna hadda dadaal ugu jiraa inuu sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, maadama uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.
Mr. Kheyre oo horay loogu xamanayay inuu xiriir kala dhaxeeyo Xukuumadda Dooxa, socdaalna uu ku tegay ka hor intaan xilka laga qaadin ayaa hadda arrintaas meesha ka baxday, waxaana xoogeysanaya siyaasiyiinta xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta.
Siyaasiyiinta taageerada ka helaya Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ugu horeeya Cumar C/rashiid oo la-taliye u ah dowladda Imaaraadka una qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, iyadoo uu ka mid yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xubno ka mid kooxdii Qabyo. ..
XOG: Kheyre oo ku biiray siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh Imaaraadka & Qorshaha uu damacsan yahay
Ra'iisal wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre ayaa ku biiray siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Mr. Kheyre ayaa la sheegay inuu hore xiriir hoose ula lahaa Siy