
Mid ka mida ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga oo ku dhintay qaraxii Kismaayo
Xaaji Yaasiin Jaamac Ismaaciil oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Gudoomiyaha iyo wiil uu adeer u ahaaba ay ku dhinteen qaraxaasi.
Taabit Cabdullaahi ayaa ka mid noqday boqolka arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga, ee ay sanadkan qaaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliya.
Waxa uu arday ka ahaa Ganane Secondary School, wuxuuna kaalinta 22aad ka galay boqolka arday ee loo aqoonsaday inay keenayn dhibcaha ugu badan. Sixitaankii la sameeyay waxaa ku cad inuu ku soo baxay dhibco gaaraya boqolkiiba sideetan iyo sagaal (89%), sida ku cad natiijada ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Qaranka.
Taabit oo hadda uun labaatan jirsanayay ayaa waxaa geeridiisa ka naxay intii maqal iyo muuqiisaba taqaanay.
Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ballanqaad waxbarasho lacag la’aan ahi u sameeyay boqolka arday ee ugu horeysa, dabcan Taabit-na ardaydaasi ayuu ka mid ahaa.
Taabit Cabdullaahi oo mustaqbal ifaya lahaa ayaa weerarka lagu dilay waxaa sheegtay mintidiinta Al Shabaab, oo bartilmaameedka weerarkoodu uu ahaa marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

XIGASHO:-DHACDO.COM
Mid ka mida ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga oo ku dhintay qaraxii Kismaayo
Allaha u naxariistee Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi oo ka mid ahaa ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga Dugsiga Sare ee dalka ayaa ku dhintay ismiidaamintii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo. Taabit Cabdullaahi Xasan ayaa