Faah-faahino:- Qarax ka dhacay Gobolka Gedo iyo Khasaaraha ka dhasha

0
Thursday September 10, 2020 - 14:13:43 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahino:- Qarax ka dhacay Gobolka Gedo iyo Khasaaraha ka dhasha

    Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay uu ka dhacay Gobolkaaas. Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka la galiyo ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaayad ku taalla Magaalada Ceel-waaq ee Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay uu ka dhacay Gobolkaaas. Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka la galiyo ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaayad ku taalla Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, qaraxa oo aha mid xooggan ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay degaanada iyo degmooyinka ka agdhow Degmadaasi. Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay halka Seddex kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in khasaaruhu uu intaa ka badan karo. Maqaayadda Qaraxu ka dhacay aaya ahayd maqaayad aad u mashquul badnayd sida la sheegay, waxaana xiligaas ku sugnaa Maqaayadda dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loola cararay Cusbitaalada ku yaalla Magaalada, waxaana hadda lala tacaalayaa dhawaacyadii ka dhashay qaraxaas.

        Qaraxa ka dib Ciidanka ammaanka ayaa sameeyay Howl gallo iyadoo isku socodjka guud ee Goobtii wax ka dhaceen uu istaagay.

Wali laamaha ammaanka kama hadlin qaraxa, lamana oga cidda ka danbeysay qaraxaas, balse qaraxyada Noocaan ah ayaa inta badan waxaa fuliya dagaalamayaasha Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip