Muqdisho Nin Qabiilka Tumaalnimo uu Ka Soo Jeedo Darteed Sedax Xabadood Lagu Dhuftay:-Daawo

0
Saturday March 12, 2016 - 09:57:20 in Maqaallo by
  • Visits: 1701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Nin Qabiilka Tumaalnimo uu Ka Soo Jeedo Darteed Sedax Xabadood Lagu Dhuftay:-Daawo

    Muuqaal documentery gaaban oo Laga Soo Duubay Magaalada Muqdisho Lagana Sameeyay mid ka mid ah Dadka La Heyb Sooco ee Mihnadiisa Tahay inuu Tumo Biraha, ka dibna ka soo saaro waxyaabaha ay ku faa'iidaan Bulshada Yasida Ugu Timaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaal documentery gaaban oo Laga Soo Duubay Magaalada Muqdisho Lagana Sameeyay mid ka mid ah Dadka La Heyb Sooco ee Mihnadiisa Tahay inuu Tumo Biraha, ka dibna ka soo saaro waxyaabaha ay ku faa'iidaan Bulshada Yasida Ugu Timaado.
Marka aad Daawato ayaad Garwaaqsaneysaa Xaqdarada lagu Haayo Dadkaan Mihnadooda ku Shaqeysta Loona Heyb Sooco Qabiilka ay ka soo Jeedaan.

Cabdi Axmed oo isku magacaabay "Cabdi Tumaal” ayaa ka sheekeeyay labo dhacdo xanuun badan, isagoo sheegay in seddax xabadood qabiilka tumaalnimada uu yahay darteed loogu dhuftay, sidoo kale, wiil uu dhalay iyo xaaskiisa ay dhibaato xoogan kala kulmaan bulshada ay la nool yihiin, iyagoo ugu yeero hebla Tumaal.

"Cunugeyga ayaa baxaya, waxaa lasoo leeyahay Tumaalyahow Tumaalka dhalay, Habartiis ayaa baxaysa anmaa Tumaal ah ayey dhahee. meesha waxaa ka dhaceysa in la is masaareeyo, waxaan dhahay, dagaal danbe ha gelin, Tumaal ma lagu dhihinoo, haa, saacaan laga bilaabo anigaa Cabdi Tumaal ley yiraahdaa, haddaanba ku fakanayo Alxamdullilaahi ayeyba taagan tahay.” ayuu yiri Cabdi Axmed oo ilmahiisa ku koristo tumista biraha iyo sameynta alaabooyinka muhiimka ah ee nolosha looga maarmin.

Aniga xabad ayaa leygugu dhuftay Tumaal ayaa tahay iyo ma ihi, adnaa wax iga qaadi kara Tumaalyahoow, lugta bash, inta bash, sintana bash, walaahi seddax xabo ayaa igu dhacday” ayuu sii raaciyay Cabdi Axmed.Cabdi wuxuu sheegay in xaas iyo labo caruur ah uu leeyahay, kuna koriyo biraha uu tumo. "Hadda xaas ayaa leeyahay, labo wiilna wey ii joogtaa, birtaa ka bilaa, anba birtaa leygu soo korshay, aabahey bacadle ma fadhin, xafiisna ma fadhin” ayuu yiri Cabdi Axmed oo u muuqda inuu ku qanacsan yahay noloshiisa.

Wuxuu kaloo ka sheekeeyay dhacdo xannuun badan oo ku dhacday wiil aan ka dheereen oo qaraabo hoosaad ay yihiin, wuxuuna sheegay in wiilkaasi gabar ay iskuul isla dhiganayeen is-jeclaadeen, hase ahaatee ay weerar kusoo qaadeen qoyskii gabadha oo arrinta ay gaartay in qoryo loo soo qaado, hase ahaatee markii danbe gabadhii laga kaxeystay iyadoo garba tuub loo haayo.Illaahey Qur´aankiisa wuxuu inoogu sheegay in umadiisa uu ka abuuray lab iyo dhiddig iyo qabiilooyin ay isku gartaan aayadaasi oo leh "Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxa ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrasho badan, Eebana wax walba waa ogyhay”.

Haweenka la heyb sooco iyo Ragga lagu takooro qabiilka ay ka soo jeedaan waa dad nadiif ka ah xumaanta, miyaadan ogeynina inay yihiin dad nadiif ka ah xumaanta, isku dhaqan iyo diinna aan sheegano, kana soo jeeda isirka beelo lagu yaqaan shaqooyin iyo xirfado mujtamaca faa’iido u leh, kuwaas oo dheefsada dhididka waxa ay shaqeystaan bulshada kale ee takoorka ka yimaadana munaafacaad ku qaba howlaha ay hayaan.

midgaan_dartiis_ayaa_loo_dilay_1midgaan_dartiis_ayaa_loo_dilay_2

xigasho;-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip