Madaxweyne ku xigeenka Afganistan oo qarax lagu dhaawacay

0
Wednesday September 09, 2020 - 18:57:00 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Afganistan oo qarax lagu dhaawacay

    Sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka dunida waxaa maanta qarax ka dhacay caasimadda dalka Afganistan ee Kabul ku dhaawacmay madaxweyne ku xigeenka waddankaas Amrullah Saleh. Qaraxa ayaa loo dhigay kolonyo uu la socday bartamaha magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka dunida waxaa maanta qarax ka dhacay caasimadda dalka Afganistan ee Kabul ku dhaawacmay madaxweyne ku xigeenka waddankaas Amrullah Saleh. Qaraxa ayaa loo dhigay kolonyo uu la socday bartamaha magaalada Kabul, xilli uu kusii socday xafiiskiisa shaqada, sida laga soo xigtay laammaha ammaanka ee caasimadda . Warbaahinta ayaa soo bandhigtay Amrullah oo gacanta faashad cad kaga xerantahay, kana soo baxaya xarun caafimaad oo looga dabiibay dhaawacii gaaray. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay lix ruux, tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray, laakiin weli cidna si rasmi ah uma sheegan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip