Galmudug oo sheegtay in la siyaasadeeyay dagaal ka dhacay Galgaduud

0
Tuesday September 08, 2020 - 15:26:58 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo sheegtay in la siyaasadeeyay dagaal ka dhacay Galgaduud

    Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa laba maalin kahor waxaa uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay Khasaaro dhaawacyo. Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii dad shacab ah oo ku sugnaa Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa laba maalin kahor waxaa uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay Khasaaro dhaawacyo. Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaanka Mareerguur lagu qaaday weerar loo adeegsaday rasaas, iyadoona halkaas ay ku dhinteen laba ruux, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeem. Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug Cabdiraxman Cali Geeda-Qoroowayaa Maanta ka hadlay dagaalkaas ka dhacay Xananbuure ee dhexmaray labada maleeshiyo beeleed. Isaga oo warbaahinta la hadlay Guddoomiye Cabdiraxman Geeda-Qoroow ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadka ay ku jireen gacmo siyaasadeed iyo Al-shabaab oo aan ka marneyn dagaalkaas, waa sida uu hadalka u dhigay.            "Dagaalkii Maleeshiyo beeleedka ku dhexmaray deegaanka Xananbuure waxaa ku jira gacmo Siyaasadeed iyo Al-shabaab oo aan ka marneyn” ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal dhexmaray maleeshiyo beeleed hubeysan, iyadoo dagaalamada qaarkood xal laga gaaray, halka kuwo kalena la xaliyay, kadibna mar kale ay dib u bilowdeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip