Dhaqankaa badbaadiyey midnimada ummadda soomaaliyeed.

0
Sunday March 06, 2016 - 19:25:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1848
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqankaa badbaadiyey midnimada ummadda soomaaliyeed.

    Asaaska dhaqamada dunida Marka dhab loo fiiriyo dhaqmada dunida ka jira waxaa asaas u ah laba dhaqan: dhaqan reer bari iyo dhaqan reer galbeed. Labaduba waxay ku salaysan yihiin xagga diimaha ay kala aaminsan yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asaaska dhaqamada dunida Marka dhab loo fiiriyo dhaqmada dunida ka jira waxaa asaas u ah laba dhaqan: dhaqan reer bari iyo dhaqan reer galbeed. Labaduba waxay ku salaysan yihiin xagga diimaha ay kala aaminsan yihiin.
Reer galbeedku waxay dadkoodu aaminsan yihiin Misiixinimada guud ahaan, reer bariguna waxay aaminsan yihiin Islaamnimada , inkastoo la is dhexgalo oo arrimaha qaarkood la kala qaato haddan qolo na kama wada tanaasulayso dhankeeda,oo qolo kasta way ku dhegan tahay dhaqnkeeda .

Sida la wada ogsoon yahay cilmiga bulshada ee dhaqamadu ku dhisan yihiin waxaa asaasay CRaxman Ibnu khaldoon qarnigii 14naad ka dibna waxaa la wareegay hogaanka cilmigas aqoon yahano reer galbeed ah oo wali looga danbeeya.


Wa maxay dhaqan?
Macnaha dhaqan waxaan u soo qaatay Thaqaafa ( الثقافة) waxaa lagu macneeyey dhug, maskax furraan iyo fahmi ogaan aqoonta, ama fahmo badane. Waxaana asal u ahaa sugaanta, waxaa loo qaatay aqoon yahanimo. Marka dhaqnkii wuxuu noqday cilmi gooni u taagan oo mabaadidisa iyo shuruudiisa iska leh, dhaqnkii waxaa loo aqoonsadaycilmiga hiddaha la iska dhaxlo, aqoonta ,diinta,qaanuunka isku xiraya xubnaha bulshada ninka cilmigaa yaqaan waxaa loo aqoonsaday aqoon yahan
. Tusaale cilmiga kiimika ama qanuunka badaha, ama qanuunka dhaxalka IWM wxaa loo aqoon saday cilmi yaqaan ama caalim.

farqiga u dhexeeya cilmi yaqaanka iyo aqoon yahanka: Qofka caalinka ah ama sheehka ama khabiirrka waa qof hal cilmi ama dhawr cilmi wada yaqaana ee looga danbeeyo, aqoon yahan waa qof wax ka yaqqaan cilmi kasta, midna si fiican u wada yaqaana.

Intaasi waa macnaha dhaqanka guud ahaan,lakiin qiimaha dhaqanku wuxuu muuqanayaa marka lagu tiiriyo ummada ku dhdaqanta ee noolosheeda ku maaraysa.
dhaqan ummadeed
Marka: dhaqanka ummad kasta waa dhaxalka hiddeheeda: Sida xadaaradeeda,fikerkeeda aqoonteeda iyo qaab nololeedka ay kaga duwan yihiin ummadaha kale.

Haddaan si kale u sheegno ummad kasta dhaqankeedaa dhisa hab nololdkeeda wax qabadkeeda, caqiiidadeeda wax soo saarkeeda, taariihkdeeda iyo aragtida habka ay u arkaan aqoon yahannadooda nolosha iyo ka dhaqaan ama ka qoraan iyo siday u habeeyaan caqliga iyo fahmiga bulshadooda nolosha ay ku noolyihiin.

CULUMADA qaarkood waxay ku soo koobeen dhaqaqanka inuu yahay hab nololeedka ka jira bulsho wadan degan. macnaha ummad kasta dhaqankeedaa habaynaya ama dhisaya qiyamkeeda ,Anshaxa, caqliga ,caqiida kuna hagaya kala soocida wanaga iyo xumaanta isagaa kala baraya sharka iyo khayrka , xaqa iyo baadilka ama wax dhiska iyo duminta. culumada Qaarna waxay dhaheen : Asaaska dhaqnku waa fahmida, koon bilowgiisa, dhammaadkiisa , nolosha iyo abuurists dunida.
Ugu danbay ummad kastaa waxay gurataa miraha dhaqankeedu u abuuro.

Noocyada dhaqannada Soomaaliyeed

3-Inkastoo soomaalidu ku midaysantahay hiddaha iyo dhaqanka iyo arrimo kale haddana waxaa jira dhaqmo lagu kala duwan yahay oo la xiriira goobaha bulshaduhu ku nool yihiin.
Haddaan si cilmi ah u fiirino dhaqamada soomalida waxaan arkaynaa inay saddex u qaybsan yihiin, oo kala ah,
1 dhaqn reer guuraa
2 -dhaqan beeralay
3 -iyo dhaqn reer magaal.
Mid kastaana wuxuu isu arkaa inuu yahay midka ugu wanaagsan.

W/Q- Garyaqaan Sh C/raxmaan xuseen ( Abuu xamza)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip