Magacya Badanaa!.... {FAALLO}

0
Sunday March 06, 2016 - 18:27:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacya Badanaa!.... {FAALLO}

    Wuxuba waa wada Lacag .Hadana meesha ay ka howgaleeyso ayeey magac kale ku qaadataa…..haddii Dowladu kaa qaadeeyso waa CANSHUUR, Haddii la aroosayo waa SOORYO, Haddii la isfurayo waa MAHAR, Haddii culuma la siinayo waa SIYAARO, Haddii xildhiba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuba waa wada Lacag .Hadana meesha ay ka howgaleeyso ayeey magac kale ku qaadataa…..haddii Dowladu kaa qaadeeyso waa CANSHUUR, Haddii la aroosayo waa SOORYO, Haddii la isfurayo waa MAHAR, Haddii culuma la siinayo waa SIYAARO, Haddii xildhibaan shiiday la siinaayo waa MOOSHIN,
Haddi madax la dooranaa waa ii CODEEY, Qaraaba dhimatay TACSI, Haddii wariye la siinayo waa SHARUUR, Maskiin SADAQO, Guri KIRO, Beer DOONFUUL, Beecjaban XARAASH, Hadii laguugu lahaa DEEYN, Dukaan IIB iyo GADASHO, Haddii ma shaqeeyste la siinayo SHAXAAD, qooyskaaga MARSUUF ama BIIL, Madax hoose LAALUUSH, Madax sare HOWL FUDUDEEYN, Haddi qof tabar yar laga qaadayo BAAD, Isbaaro LEEJO ,La heeyste MADAX FURASHO, Bank DULSAAR, Saaxiibtaa DUKAAMEEYSI (shopping), Hantidaaha SEKO, Hordhac beec ARBUUN, Dhib aad geeysatay MAGDHAW, Qof la dilay DIYO(qaanbax), Wadaado XAQA SAABUUN, Danguud ISKAA WAX U QABSO, Qooys liita TAAKULO, Gabar la masaafeeynaa GOGOL KU LAAB, Gabar la hor doonayo ALKUN, Howl fudud KHIDMO, Khayaj macna la’aan ah BAQSHIISH, Mooryaan ISKA KEEY BADBAADI, Keeydka haweenka SHALOONGO ,Aroos todoba gaaray SHAASH SAAR, Lacag urursi aan habeeysneeyn SHAQSHAQ, Taraafiko II FUUTI, Haddii NGO laga helay MACAAWINO, Shirkadu ku ganacsee MAAL GASHI, Haddii Diaspora la sii nayo DUUD XIMBAAR, Haddi Diaspora u soo dhibtooday laga qaadanayo HOO KU DHIMEE(IGA HAR), Haddii la siinayo cunug dhashay SAMIS, Mingis CALAQA SOOR, Macalin dugsi quraan ARBACO,JUS,QAALIN QALIN JABIN, Laba wax kala gadee dhaxdood DALAAL, Haddii Boqor carbeed madax kale weeydiisato CALAA QADRI DAAQA, Hadeey mushaarka la socoto GUNO, Hadii howl meel kale laguu diro SAHAAY SAFAR, Haddii web site la siinayo YAFTACUUL, Haddi ruux dhintay loogu duceeynayo XUS, Haddeey Hormuud soo maree EVC, Hadeey Dhabshiil mare xawaalad, Tuuga xirfadeeysan JEEB SIIB, Haddii laga raadinaa goob aan sugneeyn QARAAB..,iyo kuwa kale.. Magacya badan yeey ku Naar geeyn ee iska fiiri meesha ay kaa soo galee iyo meesha aad ku bixinee.( AL HAAKUMU TAKAA THURU).

AQRISOOW: Magaceed haddii BADDA la gadanayo, DADNINADA IYO DALKA, ama arrin GABRE wax ka go’aamiyay lacagu soo marto ama sii marto.


Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip