Wararkii ugu dambeeyay shirka maanta ka furmaya Dhuusamareeb

0
Saturday July 11, 2020 - 07:43:26 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay shirka maanta ka furmaya Dhuusamareeb

    Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka, ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha Shanta Maamul Goboleed, ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Sida uu qorshuhu ahaa shirka ayay ahayd in Khamiistii uu ka furmo Maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka, ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha Shanta Maamul Goboleed, ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Sida uu qorshuhu ahaa shirka ayay ahayd in Khamiistii uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, balse dib u dhaciisa waxaa lagu sheegay, iyadoo wafuudda qaar ay xilli dambe oo Khamiistii gaareen magaaladaasi, shalayna ay ahayd maalin nasiino oo Jimco ah. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la fillayaa in maanta uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada.

                      Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ku hawlan tahay, sidii ay isugu soo dhawayn laheyd Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

              Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in Galmudug loo arkay mid dhexdhexaadin karta Dowladda Federaalka iyo maamulada qaar, ee ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin.

          Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay inaanay Galmudug cidina la safnayn, hadafkeeduna uu yahay in dalka horey looga dhaqaajiyo xaaladda uu haataan wajahayo.

              Ka hor inta aan shirka lagu soo geba-gabeen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa suurtagal ah in lagu soo casuumo Dowladda Federaalka, si hadhow looga soo wada saaro warmurtiyeed loo dhan yahay.

Dhanka kale waxaa weli uu hakad ku jiraa isu socodkii gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay, si loogu xaqiijiyo ammaanka magaalada.

             Sidoo kale waxaa weli xiran kontoroolada laga soo galo Magaalada Dhuusamareeb, oo aad arki karto inaanay ka soo gudbi karin wax gaadiid ahi.

Reer Dhuusamareeb ayaa si weyn Maamulka Galmudug ugala shaqeynaya xaqiijinta amniga iyo in si nabadgelyo ah, uu ku qabsoomo shirkan ka furmaya Xarunta Galmudug.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip