HAWRAARTA MAANSADA: "Haybteenna Soomaaliyeed, murtida hodan baan ka nahay"

0
Saturday March 05, 2016 - 18:31:59 in Maqaallo by
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAWRAARTA MAANSADA: "Haybteenna Soomaaliyeed, murtida hodan baan ka nahay"

    Suugaanta Soomaalida oo abwaanada ku caanka baxay hibadda Alle SWT u siiyay, waxay inta badan iftiimisaa aqoon guud iyo kobcinta garaadka bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suugaanta Soomaalida oo abwaanada ku caanka baxay hibadda Alle SWT u siiyay, waxay inta badan iftiimisaa aqoon guud iyo kobcinta garaadka bulshada.
Abwaan Barre Sheekh (Bangaladesh) isla markaana ah qoraa buugaagta dhaqanka fanka iyo suugaanta ayaa waxa uu tiriyay tix cajiib ah oo uu uga hadlaayo Hawraarta maansada suugaanta iyo taariikh ahaan dalka Soomaaliya abwaanada ku caan baxay, wuxuuna ku bilaabayaa sidaan:-

Hanti waa la helaa
Hiddana waa la dhaxlaa
Hawraarta maansada
Hadal baradku ma karee
Halkaraan ayaa yaqaan
Waa hadraawi oo kale


Cidda hibada gaarkaa
Loogu shubay haruubkoo
Suugaantu harisoo
Hooskeeda jiifsaday
Haybteenna Soomaaliyeed
Murtida hodan baan ka nahay
Sharafta aan huganihiyo
Dhaqanku waa haybaddeenna
Hormar waa la higsadaa
Hoggaanna waa la dhistaa
Sida hogol da’aysoo
Noo hoortay oo kale
Hindisaha aqoontaan
Haqab beel ka gaarnoo
Hilinkaan marayniyo
Waddadii habboonayd
Waa naloo horseedoo
Hiyigaan ku haynaa
Haybteenna Soomaaliyeed
Murtida hodan baan ka nahay
Sharafta aan huganihiyo
Dhaqanku waa haybaddeenna

bare

bare1

Waxaa Tiriyay: Abwaan Barre  Sheekh Cabdullaahi (Bangaladeesh)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip