
Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Dhuusamareeb
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka kala tirsan kuwa Haramcad ee booliska gaarka ah iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya Maanta ku dhex-maray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Xarunta Ciidanka Nabadsugida ee Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la sheegay in uu salka ku haayo adeegsiga bar koontrol oo Ciidamada haramcad ay maamulaan kaasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa NISA.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka maanta ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Ruux oo isugu jira Ciidamada dagaalamay iyo dad Shacab ah,waxaana istaagay dagaalkaas, iyada oo Dhuusamareeb ay ka socdaan waan waan lagu xalinaayo dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay,hayeeshee isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay meelaha qaar ay joojiyeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.
Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Dhuusamareeb
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka kala tirsan kuwa Haramcad ee booliska gaarka ah iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya Maanta ku dhex-maray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay a