HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-JULY-2020

0
Wednesday July 01, 2020 - 11:09:06 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-JULY-2020

    Farmaajo oo xariga ka jaray Garoonka Stadium Muqdisho Md.Maxamed C/hi Farmaajo, Madaxweyna ha JFS ayaa gelinkii dambe ee Shalay xariga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, ka dib markii dayactir iyo dib u hab eyn ballaaran lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo oo xariga ka jaray Garoonka Stadium Muqdisho Md.Maxamed C/hi Farmaajo, Madaxweyna ha JFS ayaa gelinkii dambe ee Shalay xariga ka jaray Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, ka dib markii dayactir iyo dib u hab eyn ballaaran lagu sameeyay. Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayuu burbur xoogan ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo dagaala dii M/Mu qdisho ku dhex maray Ciida mada DFS oo gacn ka helaya Xoogagga Nabad Ilaalinta M/Afri ka iyo Ururka Al Shabaab. Garoonka oo 8Sano in ku dhow ay degan eyd Amisom ayaa siyaabooyin kala duwan lo ogu ekeeyay madaafiic ay Shabaabku ka soo tuureen goobo kala durugsan. Dib u dhiska xilligan lagu sameeyay Garoon ka Stadium Muqdisho ayaa waxaa maalgeliyay Ururka M/Yurub, iyadoo loo sii marayo hay'ado maxali ah oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkado madani ah, inkastoo Injineero Cadda an ahi ka qayb qaateen dib u hawlgelintiisa. Madaxweynaha Somaliya oo ay wehliyan R/Wasaare Kuxigeenka Dalka, Wasiirada Cay aaraha & Dhalinyarada, Warfaafinta iyo Duqa M/Muqdisho ayaa xariga ka jaray Garoonka Stadium Muqdisho. Madaxweynaha oo ku labbisnaa dharka ca yaaraha oo laga sameeyay Astaanka Qaranka ayaa gudaha u galay Stadium Muqdisho, wax aana la arkayay isagoo kubadda balejeynaya. Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa lagu daahfuray cayaartii ugu horeysay oo Garoonka Stadium Muqdisho lagu qabto, ka dib markii uu Madaxweynuhu xariga ka jaray. Cayaaro badan oo indhaha dunida soo jiitay ayuu martigeliyay garoonkan, ka hor xilligii bur burka, in dib loo hawlgeliyaana waxaa ay cal aamad u tahay dib u soo kabashada Somaliya.


Muqdisho: Xarumo kala duwan oo Shalay xariga laga jaray

    R//Wasaare Kuxigeenka Dalka ahna Kusima ha R/Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed (Kh adar) ayaa Shalay Xar iga ka Jaray dhawr Ma shaariic uu Maamulka G/Banaadir ka hirg aliy ay M/Muqdisho.     Xarumaha Xari ga laga jar aywaxaa ka mid ah Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Boostadaiyo isgaarsiinta Deg mooyinka Xa mar Jajab, Yaaqshiid iyo wadooy inay dowla du dib u dhis ku sameysay kuwa asi oo ay ka ah dhowr mashaariic oo ay dowla dda Somali ya ugu talagashay xuska maalma ha xoriyada.

      R/Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Ma xamed Guuleed waxaa ku wehlinayay Guddiga 7aadka Xorriyadda oo ay ka yihiin Wasiiro, Xi ldhibaano ka tirsan DFSoomaaliyeed, G/G/Ba naadir ahna Duqa Caasimada, Cumar Maxam ed Maxamuud Cumar (Filish) iyo Guddomiye Kuxigeenada Maamulka G/ Banaadir.

    Dowladda Somaliya ayaa sanadkaan daba al-degga 7aadka xorriyadda u bedeshay mash aariic horumarineed oo laga fulinayo dalka iyo kuwa la dhisay, sida xarumihii lagu dhisay Bar naamijka is xilqaan iyo qaar ka mid ah hay’ adaha dowladda.

Bankiga Adduunka oo ansixiyay $40 milyan oo la siinayo Somaliya

     Baanka Adduunka ayaa Shalay waxaa uu ansixyay 40 Milyan oo dollar, oo loogu talaga lay in beeraleyda Somaliya looga caawiyo sa amaynta uu ku yeeshay ayaxa.

     Ayaxa ayaa 2dii xilli ee ugu dambeysay cag ta mariyay dalagyadii beeraha ee la fillaayay in ay soo go’aan, taasoo la tilmaamay inay ka dhalan karto arrimo bani’aadamo.

     Lacagtan ayaa waxay qayb ka tahay mashr uuc ballaaran ee Baanka Adduunka uu ku tag eerayo Wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe, oo sidoo kale uu saameeyay ayaxa.

     Diirka daran (Ayaxa) ayaa saameeyay 2.6 Milyan oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolada Soomaaliya.

    Agaasimaha Baanka Adduunka ee Somali ya,Felipo Jeremilo ayaa qiray in ayaxa uu cag ta mariyay beeraha isla-markaana ay taasi sab abtay xaalad bani’aadanimo.

     "Ayaxu waxaa uu baabi’iyay dalagyadii bee raha,waxaa uu abuuray xaalad bani’aadanimo, waxa uu sababay yaraashaha cunada la heli kar, oo dhaliyay oo hoos u dhac dhaqaale.” Ayuu yiri Agaasimaha. Felipo Jeremilo ayaa sidoo kale sheegay in taageeradaan maaliya deed ee Somaliya loogu yaboohay loo adeeg san doono mashruuca bax naaninta ee taagee rada danyarta. MMd.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa Ma amulka Baanka Adduunka kaga mahad celi yay dhaqaalahan ay ku taageereen dalka.

Guddoomiyaha G/Shacabka oo ka diga y in kuraasta xildhibaanada loo wareeji yo Gobol aysan degin beeshii laheyd

      Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baar lamaanka FS Md.Maxamed Mursal Sh. Cabdi raxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta,ayaa ka digay in kuraasta loo wareeji nayo gobollada aysan deganeyn beeshii lah eyd ay keeni karto in ay lumaan kuraastaasi.

    "Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamm aan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan,   adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulsha da iska leh kursigaas, adigana lagaa tira bad an yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guule ysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

      G/Golaha shacabka Md.Mursal ayaa shee gay in ciladdaasi ay ku soo noq-doonto dad kii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahantah ay in laga fekero inta aysan dhicin.

    Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada, ayaa ku baaqay kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin go bol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi , isagoo uga digay in kursigaas uu marka dam be lumi doono.

Cudur kale oo ka dillaacay Shiinaha oo laga cabsi qabo inuu adduunka ku faafo

  Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisy ah anada dalka Shiina ha,ka dib markii ay ogaad een in dalkaasi uu ka dilaac ay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawanka Dofaarka. Seyn isyahanada ayaa waxay she egeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo fe yrus ka safmarka ah ee hadda dunida dhibaa tadii sa taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaaraya 500 kun oo qof. Feyruskaan cu sub oo laga helay doofaara da ayaa waxay dhaqaatiirtu sheegeen in had da aysan jirin qatar weyn, balse ay taagan tah ay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiim ad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan la haa halistiisa, waxayse ka welwelsan yihiin in uu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto.

    Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkad aha soo saara hilibka doofaarka inay muujiya an taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaala daha ay ku sugan yihiin.

    Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tir san jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baaris lagu sa meeyay waxay seynisyahanadu sheegeen in uu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa ee  Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilawday dalka Mexico.

     Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idi lna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof.

Kulan dhexmaray R/wasaare Kheyre iyo Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka dalka Qatar.

    RW Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku joogay Caasimadda dalka Qatar waxa uu la kulmay R/wasaare-ku-xigeen ka dalkaasi, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sh.Maxamed Bin C/raaxmaan Bin Jaasim Al-thani.

    Qoraal la soo dhigay Barta Xaf iiska RW Kheyre ayaa lagu sheeg ay inay 2da dhinac ka wada hadle en Xoojinta Xiriirka soo-jireenka ee Somaliya iyo Qatar iyo Iskaa shiga Dhaqaal aha iyo Amniga.

    Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowl adaha taageeradda ugu badan la garab tag an DFS, inkastoo ay Hoggaamiyayaasha Mucaar adka si kulul ugu eedeeyaan D/Qatar inay gal aangal xogan ku leedahay Arrimaha Somaliya.

4 maalmood ka dib oo war laga helay safar ka uu R/W Kheyre ku joogo Qatar

    Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa 4 maalmood kadib markii u gu horreysay Shalay ka warbixiyey safarka uu ku joogo M/Doha ee caasimadda dalka Qatar.

    R/Wasaaraha, oo Qatar tegay 26-kii June, ayaa tan iyo markaas aan wax war ah laga hel in socdaalkiisa, hase yeeshee qoraal Shalay kasoo baxay xafiiskiisa ayaa looga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyey ee uu Kheyre hal kaas ku qaato.

     Sida lagu sheegay qoraalka , R/Wasaara ha, ayaa M/Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay R/wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrima dda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

     Xafiiska Kheyre, Kulanka dhex maray Ra’I isul Wasaaraha iyo Md bin Jassim Al Thani ay aa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee 2da dowladood, iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga.

     Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caa simada Online u sheegay in ujeedka safarka Kheyre uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qa tar uga codsan lahaa inay dib u billowdo ta ageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay R/ Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo.

     Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yee shee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn

ee taageera Soomaaliya.

Md.Qoorqoor oo la kulmay Odayaasha Dha qanka Caabudwaaq

     Md.Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Ma daxweynaha Galmudug oo Xalay ku hoyday M/ Caabudwaaq ayaa Shalay kula kulmay G/Dha qanka ee reer Caab udwaaq.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulan ka ku wehlinayay Kuxigeenkiisa, Cali Daahir Ciid iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada. Kulanka oo ahaa mid diiradda lagu saarayay dardargelinta dadaalada nabadeed iyo horumarinta deega anada Galmudug ayuu Madaxweynaha uu Od ayaasha Dhaqanka ka dhageystay waxyaabo ay ka cabanayan.

      Madaxweynaha ayaa reer Caabduwaaq u sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu cid kasta kala hadlo tabashadeeda, si Galmud ug kaga beerin hiigsigeeda mustaqbalka.

     Reer Caabudwaaq oo aad moodda in ay ka caroodeen inaanu weli booqasho ugu imaan Madaxweynaha ayaa maalintii Axada jeex-jee xay sawirada Madaxweynaha. Hase ahaatee Md.Qoorqoor ayaaba maalin ka dib booqasho ugu tagay bulshada reer Caabudwa aq, iyadoo na uu Shalay Hoggaanka Dhaqan ka ka dha geystay waxa ay tabanayaan.

Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay Dacwa da lagu soo oogaayo

     Golaha wakiillada Somaliland ayaa xeer ila alinta ugu baaqay in guddoomiyaha xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe lagu soo oogo eedo la xidhiidha aflagaadeyn iyo kicin dadwe yne.

      Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen inuu ku xadgudbay karaamada iyo maamuuska dastu uriga ah ee guddoomiyaha golaha wakiillada Bashe Maxamed faarax, ayagoo Guddida jog tada ah ee Golaha wakiillada ay sidoo kale she egeen in ay kalsoonidii kala noqdeen Faysal Cali Waraabe.

     Faysal Cali Waraabe oo jawaabay eedeyn ta Guddiga ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan sameyn wax ka baxs an Sharciga iyo kala dambeynta So maliland.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu Mada xweynaha Muuse Biixi Cabdi uu kala had lay eedeynta lasoo jeediyay, islamarkaana uu ball anqaaday i uu baari doono.

     Waxaa uu ku eedeyay Xildhibaanada inay donayaan Muddo kororsi ka dib markii Shalay ay gudbiyeen Xubnaha Gudiga Doorashooyin ka Somaliland ku matali doona Mucaaraadka.

Tirada dadka ka bogsaday Cudurka Corona Virus oo gaartay 932

     Wasaaradda Caafimaadka dowlada Sooma aliya ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeey ay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafim aadka ayaa siddaan u qorneyd:

30 June 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soom aaliya.

> Laga Helay: 20

> Somaliland: 18

> Benadir: 1

> Jubbaland: 1

> Lab: 18

> Dhedig: 2

> Bogsasho: 22

> Dhimasho: 0

——————————–

> Tirada Guud Laga Helay: 2,924

> Bogsashada Guud: 932

> Dhimashada Guud: 90

Khilaafkii ka taagnaa Guddiga doorashooy inka Somaliland oo xal laga gaaray

      Guddoomiyaha maxkamadda sare Garya qaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Shalay madaxweynaha Somailand, Mudane Muuse Bii xi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka  ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.

2dan xubnood ee komishanka doorashooyinka ka dhinnaa oo ay 7aadkan gudihiisa ansixiy een golaha wakiillada  Somaliland, ayaa la ma riyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo gala an una buuxiyeen kaalintooda xubinnimo ee mudada bannaanayd, horena ka bilaabaan shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka suga yso.

       Madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani, Mudane Faysal Cali Xus een (Faysal Cali Waraabe), Mudane Cabdirax maan Maxamed C/hi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye, Md.Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dhe ere).

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Shalay lasoo afjaray Khilaafkii ka dhex taagnaa Guddiga doora shooyinka Qaranka.

Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka degaameynta kuraasta

      Xildhibaanada G/Shacabka ee Baarlamaan ka JFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xe erka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

G/G/shacabka ayaa ku dhawaa qay in 144 Mudane ay oggolaat ay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diid ay halka ay 4 xildhibaan ka Aamuseen.

    Maalmahii la soo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaana da qaarkood meel ka baxsan deegaan doo ra shadooda la geeyay kuraastooda.Maamul go boleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, wax aana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyi inta kuna aaddan tallaabda ay Shalay qaade en xildhibaanada Golaha Shacabka.

Booliska Interpol oo jawaab deg deg ah ka bixiyey dalabkii Iran ee xariga Donald Trump

    Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa jaw aab rasmi ah kasoo saartay dalabkii Iran ee soo qabashada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Dowladda Isla amiga ah ee Iran ayaa dhaw aan soo saartay waaran lagu xirayo madaxweyne Trump, iy ada oo Interpol kaga codsa tay inay ka gacan siiso soo qabashada Trump.

     Interpol ayaa gebi ahaanba ku gacan seyr tay dalabka dowladda Iiraan, iyada oo si cadna u sheegtay inaysan tix-gelin doonin dalabkee da ee soo xirista madaxweynaha Mareykanka oo xiligan xiisad adag kala dhaxeyso.

Dowladda Iiraan ayaa rumeysan in Trump uu yahay maskaxdii ka dambeysay duqeymi hii lagu dilay sarkaalkeedii sarre ee Qassem Sole imani.

     Diidmada Interpol ayaa meesha ka saarey sa khatar xarig oo uu wajahi lahaa madaxwey naha Mareykanka oo dowladda Iiraan ay u jar tay waaran soo qabasho oo ay ku wehli nay een xubno kale oo ay Tehran la xiriirisay dilkii sarkaalkeeda.

     Interpol ayaa diidmada dalabkaasi ku sale ys ay in waarankaasi yahay mid siyaasadeys an, isla markaana ay mamnuuc ka tahay qa waaniinteeda wax ay ugu yeertay ‘faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed’.

     Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddom eeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagi xisanimo. horaantii sanadkaan ayey aheyd ma rkii di yaaradaha Mareykanka ee aan duul iyaha la heyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ah aa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga Iran.

Shirweyne lagu heshiisiinayo beelaha Daga Galbeedka Mudug oo lagu qabtay Goldogob                                                  Wajigii 2aad Shirweynaha Dib Uheshiisinta Beelaha Daga Galbeedka Gobalka Mudug oo ka Furmay D/Goldogob ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Masuuliyiin Ka Kala Socatay D/G/Galmu dug & untaland Xildhibaano Ka Socaday 2 da Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Siyaasiin Waxgarad Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulsh ada Beelaha Colaadu Ka Dhax Jiraty.

      Furita anka Shirweynaha Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Gudoomiyayaasha G/Mud ug Ee Puntland Iyo Galmudug Cabdi Ladiif Mu use Nuur Iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Waxaana Ay Bogaadiyeen Dadaalada Dib U Heshiisiinta Ee Ka Socanaya Gobalka Mudug.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip