Wariye Macalimuu " Inkaar buu ku go'ay, Odaygi Soomaale Awlaaduu…" Qoraal xasaasi ah

0
Thursday March 03, 2016 - 10:18:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Macalimuu " Inkaar buu ku go'ay, Odaygi Soomaale Awlaaduu…" Qoraal xasaasi ah

    "Inkaar buu ku go'ay, Odaygi Soomaale Awlaaduu dhalaynna waa, sida adoogood . (Shabaab v DF) Cinwaankankeygan hore waa qeyb yar oo ka mid aheyd gabey uu horey u tiriyay abwaan Soomaaliyeed, Abwaanku wuxuu la hadlayay shimbirka Fiin la yi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inkaar buu ku go'ay, Odaygi Soomaale Awlaaduu dhalaynna waa, sida adoogood . (Shabaab v DF) Cinwaankankeygan hore waa qeyb yar oo ka mid aheyd gabey uu horey u tiriyay abwaan Soomaaliyeed, Abwaanku wuxuu la hadlayay shimbirka Fiin la yiraahdo oo sida uu sheegay uurkutaallo uu ka dareemay. Maaddadii Suugaanta ee dugsiga sare Ayaan ku soo qaadannay laakiin dib ayay mar kale iigu soo dhacday gaar ahaan ereyada cinwaanka aan ka dhigtay.

Dulucda qormadeydan hadii aan u daadego waxa ay anigu ila tahay dow in abwaankaasi 50 sano ka hor tiriyay gabaygaasi Fiin in aan manta ku waafaqno wixii uu barigaa innaga aaminsanaa oo ay jirto meel la innaga inkaaray hadaan Soomaali nahay .

Dhinac walba fiiri Soomaali manta waa baqdin ku jog wallow ay jiraan dhul Soomaaliyeed oo habaarkaasi ka nabad galay hadana magac beey la wadaagaan walaalahood oo ma qabi karaan xasilooni taam ah tan jirka iyo maskaxdaba.

Laga soo bilaabo Sarkaalka sare dowladda u shaqeeya ilaa askariga dablaha ama shaqaalaha hoose aroortii marka ay aqalkooda ka soo baxayaan waa hubaal in dareen cabsi ah uu jiro marka ay shaqadooda aadayaan ama ka soo rawaxayaan xitaa hadii uu ilaalo badan oo hubeysan uu wato.

Shabaab Hogamiyayaashooda iyo Amiiradooda hoose dhamaan marka si dhab ah loo hadlo waa dareen ku joog oo howdka ,dhaxanta iyo cadceedu ayay miciin badeen. Hadii ay xunuunsadaan daryeel caafimaad oo wanaagsan ma heli karaan, diyaarado ayaa had iyo jeer dhul heehaabayo ,aag badalasho iyo guur guur ayaa rafaad ugu filan.

Labada dhinac hadii aad la hadasho qolo walba waxa ay u dhiiran tahay si buuxda oo waxa ay kuu sheegayaan in guushu aaney ka fogeyn wax waliba ay u socdaan sidii la rabay .

Shacabkii Soomaaliyeed afkii baa juuqda gabay qasaaraha dhinacyada dagaalamaya ay isu geystaan waxaa ka badan kan iyaga soo gaara oo cabsi ka weyn labada dhinac ayaa soo food saartay.

Marka hadda iyo talo . Umadda dhibaateysan haloo garaabo. Talo waa tii Ilaah.

Dowladda waxaa lagaa rabaa in ay furto albaab wadahadal oo kal iyo laab ah iyaga oo ka madax bannaan argti shisheeye, mutadawciin waxgal ahna ay u igmadaan howshaas,oo xal sidan dhaama la raadiyo . Waxaa laga yaabaa in dad badani la soo boodaan Shabaab nabad iyo wadahadal ma rabaan, hadaad horey isugu deyday ha quusan ka dhig mid daacad ah oo raadi tabo dheeraad ah.

Hadii si muuqata markaa ay ugu gacan seyraan ummadaa ogaan ,waxa aan sidaa u leeyahay weli ma arag hogaan si kal iyo laab ah dadaal arintaa ugu sameeyay oo quus ka gaaray ,mar walba rag iska dhici baa innagu jirtay.


Muddo ka badan toban sano kadib ayaa waxaa wadahadlaya Taalibaan iyo Afganistaan ,annaga taa maxaa innaga owday.

Shabaab iyagana waxaa laga rabaa in kutubtooda ay dib ugu laabtaan oo ay keenaan xal aan dil iyo dagaal aheyn oo iyaguna ay janno ku heli karaan dadkuna ku nabad gali karo.

Muqdisho manta waa yar yahay masjid xer ay ku taxan tahay oo daruus diini ah laga barto ,dad badan ayaa masjidada ka go’ay ,nabad hadii la waayay masaajidii camirnaan jirtay ayaa laga haajiray .

Guntii iyo gunaanadkii waa inkaarannahay ee aan duceysanno oo aan Allah si wadajir ah u barino, qeyrkeen waa gaari Inshalah .

Fadlan aragtidaada ku biiri waa muhiim


Maxamed-Ibraahim-Macalimuu-image
W/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip