
Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay degmada Balcad
Iska horimaad hubeysan ayaa la sheegay in saaka uu ka dhacay bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed ee magaalada Balcad.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen barta koontarool iyadoo dagaal xooggan uu ku dhex maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa barta koontarool.
Illaa iyo hadda si dhab ah looma qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayay balse rasaastii la isu adeegsaday dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo carruur ah oo isku qoys ah kadib markii rasaas habow ah ugu tagtay gurigooda.
Labadan carruur ayaa la sheegay in mid ka mid ah oo labo bilood uun jireyay xabad ugaga dhacday madaxa waxaana dhaawaca carruurta loo qaaday isbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho. Weerarkan ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku
qaadeen degmada Balcad ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Balcad ku
sugan yihiin guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle
Maxamed Cabdi Waare kuwaasoo baaraya dil loogu geystey deegaanka Gololey
shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarunta caafimaadka ee hay’ada
Zamzam ku lahayd deegaanka Gololey.
Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay degmada Balcad
Iska horimaad hubeysan ayaa la sheegay in saaka uu ka dhacay bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed ee magaalada Balcad. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen barta koonta