FAA'IDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:14:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAA'IDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA

    Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.

Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.

Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:
1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.
2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant” awood leh.


3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi’iye ah.
4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la’aanta.
5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.
6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.
7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.
8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.
9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.
10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka
11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.
12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.
13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.
14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.
15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.
16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.
17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.
18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka "E” kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.
19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.
21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la’aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.
22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno "Sciatica” oo ah xanuun neerfaha "Sciatic” oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.
23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.
24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.
25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.
26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.
27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada "Sinusitis” oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.
28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.
29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.
30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka "Athletes Foot” oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.
31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.
32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.
33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.
34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.
35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.
36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip