Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qeyb ka ah ciidamo deegaanka ah oo taageeraya kuwa maamulka Galmudug.
Dhaawacyo ka dhashay dagaalka oo soo gaaray Ciidamada Galmudug ayaa la geeyay degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa dhowaan guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanadaas oo ka tirsan Koofurta Mudug, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ka wadeen dhaq dhaqaaqyo.



0 



Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka socda Koofurta Mudug
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanada Caad iyo Ceel-Cadde oo dhowaan labada dhinac ku dagaalameen, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare labada