Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka qaraxa lala eegtay uu ka mid ahaa saddex gaari dagaal oo ku sii jeeday degmada Afgooye ee Sh/Hoose.
Askar kale oo ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, waxaana goobtii qaraxa ka dhacay ee deegaanka Carbiska gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxa.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa horay qaraxyo lagula eegtay gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.



0 


Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku geeriyooday qarax miino
Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in gaadiid dagaal ay saarnaayeen ciidanka dowladda qarax miino lala eegtay.