Guddoonka Baarlamaanka oo bannaanka soo dhigay khilaaf ka taagan ansixinta sharciga argagixisada (Dhageyso)

0
Tuesday March 01, 2016 - 19:25:47 in Wararka by
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Baarlamaanka oo bannaanka soo dhigay khilaaf ka taagan ansixinta sharciga argagixisada (Dhageyso)

    Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay bannaanka soo dhigay sababaha loo ansixin waayay sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inuu jiro khilaaf arrintaasi ku saabsan oo u dhaxeeya Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay bannaanka soo dhigay sababaha loo ansixin waayay sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inuu jiro khilaaf arrintaasi ku saabsan oo u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
  • Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cabdalla Cawad ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay Baarlamaanka hor keentay laba sharci oo wada ah la dagaalanka argagixisada.

"Xukuumadda laba sharci ooargagixisadaah ayay keentay Baarlamaanka, waxaana jira qolooyin shisheeye oo daneynaya sharcigaas” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cabdalla Cawad oo sheegay inay xukuumadda dib ugu celiyeen.

Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay mid xasaasi ah, isagoona sheegay in guddiga arrimaha gudaha oo ka shaqeynaya ay xukuumadu keento mid kale.

"Waxaan xukuumadda u soo jeedinay in sharcigaan asal ahaan magaciisa la bedelo” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in sharcigaan ay xasaasiyad badan ka qabto Soomaalida, isagoona tilmaamay in dalalka Muslimka ay sidoo kale isku khilaafsan yihiin waxa la yiraahdo argagixiso.

DHAGEYSO:

Audio Player
 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip