DEGDEG: Guddoomiye K/Xigeenka gobolka Saaxil iyo kolonyo la socotay oo lagu weeraray agagaarka magaalada Berbera

0
Tuesday March 01, 2016 - 19:19:36 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGDEG: Guddoomiye K/Xigeenka gobolka Saaxil iyo kolonyo la socotay oo lagu weeraray agagaarka magaalada Berbera

    Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerareen kolonyo uu la socday Guddoomiye gobolka Saaxil, weerarkaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerareen kolonyo uu la socday Guddoomiye gobolka Saaxil, weerarkaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka Biyooley oo dhunaca bari ka xigta magaalada Berbera weerarkaasi waxaa dhaawac culus ka soo gaaray Taliyaha Booliska gobolka Sool, iyadoo wararka ay sheegayaan in Taliyuhu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada ammaanka gobolka Sool daqiiqado kaddib gaareen halka uu weerarka ka dhacay, nkasta oo dableydii weerarka geysatay ay goobtaasi isaga baxsadeen.

Xaaladda magaalada Berbera ayaa xaaladeedu haatan caadi ku soo noqotay, inkasta oo ciidamada nabadgelyada ay wadaan howlgllo lagu xoojinayo amniga isla markaana britaano adag ku haya cidii ka dambeysay weeraradaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip